Cutubyo ka Tirsan Ciidamada dalka Jabuuti oo gaaray Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan
Ciidamadan oo ku hubeysan gadiidka dagaallka islamarkaana sita hub iyo saanad militari ayaa noqonaya raacii ama qeybtii afaraad ee ciidamo ka socda Jabuuti oo gaaray magaalada Baladweyne.
Saraakiisha ciidamada ayaa warbaahinta u sheegay in ay jiraan wali ciidamo kale oo la filayo in ay soo gaaraan magaalada, iyadoo marka ay soo dhameystirmaan tirada ciidamada lagu wado in ay la wareegaan sugida amniga iyo saldhigyada ciidamada Itoobiya ay hadda kaga sugan yihiin magaalada Baladweyne.
Dhawaan ayeey aheyd markii ay kulan balaaran ku yeesheen saraakiisha ciidamada Jabuuti iyo odayaasha dhaqanka magaalada Baladweyne, kaasoo looga wada hadllay arrimo quseeya sugida nabad-galyada iyo tababaro loo furayo dhalinyarrada hubeysan ee u abaabulan habka beeleedka.