afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
6:41 am | Posted by

Dawladda Khaatumo State oo oo Awrboogays u aqoonsatay degmo isla markaana u dhisaysa Golle deegaan

Madaxda sar sare ee maamulka Khaatumo oo uu horkacayo Madaxweyne Maxamed Yuusuf Jaamac {Indhsheel} iyo dhiigsa Axmed Cilmi Cismaan {Karaash}, oo baryahanba ku sugnaa deegaanada hoose ee G/Sanaag ayaa sheegay inay degmada Awrboogays u aqoonsadeen dgemo ka tirsan G/Sanaag ee dawlad goboleedka Soomaaliyeed ee Khaatumo State. Sidoo kale madaxdan ayaa ku hawlan sidii ay golle degaan oo xoogleh ugu dhisi lahaayeen magaladaas oo ka mid ah meelaha ku haboon maamul u sameynta.

bartamihii sanadkan ayey ahayd markii degmooyin cusub ay dawladda dhexe ee Soomaaliya siisay deeganada Khaatumo kuwaasoo loo kala qaybiyey gobolada Sool, Togdheer iyo Sanaag, ayadoo degmooyinka Widhwidh, Xamar lagu xidh iyo Horufadhi lagu daray togdheer halka Sanaagna lagu daray Fiqifuliye oo ka mid ah magaalooyinka guunka ah ee deegaanada G/Sanaag, Boocame iyo Kalabaydh ayaa ayagana dawladda dhexe u aqqoonsatay G/Sool.

Dawladda goboleedka Khaatumo State ayaa looga fadhiyaa dardargelinta deeganada iyo maamul u sameyntooda, ayaodo sidoo kalena la dhawrayo in la dardargeliyo cashuur aruurinta deegandaas, si dhaaalaha gudahu u kabmo.

 Xafiiska Shabakada Afbakayle.com

Laascaanood/Sool

Fu,aad Karaama 

Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM