afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
10:33 am | Posted by

Falanqeynta Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Leh Ee Koobka Capital One Ee Chelsea v Man United.

Kulanka: Chelsea v Manchester United

Garoonka: Stamford Bridge

Waqtiga: 10:45 p.m xilliga Soomaaliya

Kooxda Chelsea iyo tababarahooda Roberto Di Matteo ayaa aarsasho u jeeda kulanka caawa ay Stamford Bridge ku martigelinayaan kooxda Manchester United, inkastoo la filayo in labada kooxood aysan la soo shirtagi doonin line-upkooda ugu adag madaama koobka ay ciyaarayaan uu yahay Capital One Cup.

Manchester United ayaa 10 sanno ka dib kulan horyaalka ah axadii ku badisay Stamford Bridge inkastoo kulankaas uu hareeyay muran badan, laakiin kooxda macalin Sir Alex Ferguson ayaa iyagana u baahnaan doona caawa inay cadeeyaan inay mar kale guul ku gaari karaan Stamford Bridge isbuuc gudahiisa.

Ciyaarta caawa ayaa xamaasada ku hareereysan waxa ay noqon doontaa mid aad u sareysa, iyadoo labada kooxood ay xurguf weyn kala dhex gaartay kulankii axada ee Premier League, Chelsea ayaa sida ay hore u sheegtay talaabo dheeraad ah oo dhanka amaanka ah qaadi doonta, madaama garoonka la soo buuxin doono oo la wada iibsaday tikidhada ciyaarta.

Ciyaartii axada waxaa muranka weyn dhaliyay garsoore Clattenburg oo isaga haatan dacwad loo heysto oo la xiriirta inuu hadalo aan habooneyn u isticmaalay John Obi Mikel iyo Juan Mata, laakiin taas waxaa sii dheereyd muran ka dhashay casaankii la siiyay Fernando Torres iyo goolkii guusha ee uu dhaliyay Javier Hernandez Chicharito.

 

 

LINE-UPKA MACQUULKA AH

CHELSEA


Turnbull
Azpilicueta, Cahill, Luiz, Bertrand
Romeu, Mikel
Moses, Mata,?Marin,
Piazon
MANCHESTER UNITED

Lindegaard
 Vermijl,? M Keane, Wooton, Buttner
 Nani,? Powell,?Fletcher, Scholes,?Anderson
Welbeck

Branislav Ivanovic iyo Fernando Torres ayaa kulankaan ka maqnaan doona Chelsea ka dib markii labadoodaba ay casaan qaateen kulankii Manchester United ee ay la ciyaareen axadii ee Premier League.

Kabtan John Terry ayaa weli isaga ganaax ku maqan, ka dib markii ganaax afar kulan ah garka loo geliyay isagoo lagu helay inuu cunsurinimo ku aflagaadeeyay Anton Ferdinand.

Frank Lampard oo dhaawac ahaa ayaan loo qaban muddo uu ku soo laaban karo, waxaana ay u badan tahay inuu seegi doono ama inuusan ku soo bilaaban kulanka caawa ee Capital One Cup.

Manchester United waxaa weli ka maqan kabtankooda Nemanja Vidic iyo Phil Jones, halka Chris Smalling ay isaga u badan tahay inuu soo laaban karo kulanka Arsenal ee isbuuca soo socda.

Sir Alex Ferguson ayaa laga yaabaa inuu la soo shirtago daafacyo la mid ah kuwii uu la soo shirtagay kulankii Newcastle ee koobkan Capital One, iyadoo ay u badan tahay inay ciyaari doonaan Scott Wooton, Michael Keane, Alexander Buttner iyo Marnick Vermijl.

Shinji Kagawa ayaa isna ka maqnaan doona kooxda martida ah ka dib dhaawac jilibka ah oo ka soo gaaray kulankii Braga.

 

MA OGTAHAY?
  • Chelsea ayaa ku guuleysatay kulankii ugu danbeeyay ee ay labada kooxood isaga horyimaadeen League Cup 2–5tii, iyagoo labadii lug ku badiyay 2-1.
  • Inkastoo weli ay hogaanka u hayaan Premier League, Chelsea ayaa haatan laga badiyay labadii kulan ee ugu danbeysay ee Shakhtar Donestk iyo Manchester United.
  • Man United ayaa hogaanka qabatay qeybta hore ee ciyaar kaliya shan kulan 13kii kulan ee ay ciyaareen xilli ciyaareedkan, laakiin waa ay wada badiyeen shantaas kulan.
  • Chicharito ayaa shabaqa ka soo taabtay Chelsea shan kulan oo ka mid ah sideedii kulan ee uu ka horyimid Chelsea isagoo u ciyaara Shayaadiinta Cas Cas, waxaana ku jira goolkii guusha ee axada.
  • Kooxda Sir Alex Ferguson ayaa badisay shantii kulan ee ugu danbeysay tartamada oo dhan, seddex ka mid ah waxa ay ku badisay iyadoo marti ah.
  • Chelsea iyo Man United midkoodna shabaqa waa ilaashan weysay seddexdii kulan ee ugu danbeysay, seddexdaas kulan ee ugu danbeysay Chelsea waxaa laga dhaliyay 7 gool, halka United laga dhaliyay lix gool.
  • Robin van Persie ayaa lix jeer gool ku dhaliyay Stamford Bridge, isaga ayaana haya rikoorka ciyaaryahan marti ku ah garoonkaas ee goolasha ugu badan ku dhaliyay.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM