Nani Oo Caawa U Dagaalami Doona Mustaqbalkiisa Man United Marka Uu Ka Horyimaado Chelsea.
Tababare Sir Alex Ferguson ayaa caawa lagu wadaa inuu fursad siiyo Nani oo uu ku soo bandhigo inuu mustaqbal ku sii leeyahay Manchester United.
Tababaraha Red Devils ayaa isbedel weyn ku sameyn doona line-upkiisa marka kooxdiisa ay caawa wajahayaan Chelsea markii labaad afar maalmood gudaheed.
Fergie ayaa nasasiin doona xiddigihiisa waa weyn kulanka Capital One Cup, isagoo hal il ku haya kulanka sabtida ee Premier League ee ay la ciyaarayaan Arsenal.
Ferguson ayaa yiri: “Sida iska cad isbedel ayaan ku sameyn doonaa kooxda kulanka arbacada. Kooxdii ciyaartay kulankii Newcastle ee Capital One Cup ayaana mar kale ciyaari doonta.
“Ma dooneysid in halkaas lagaaga soo badiso, waxaana doonaynaa inaan koobka ku sii jirno.”
Ciyaartoyda fursada la siin doono waxaa la filayaa inuu ka mid noqon doono Nani, kaasoo isaga ka dhacay line-upka kooxda lagu naaneeso Shayaadiinta Cas Cas.
Xiddiga reer Portugal ayaa qandaraaskiisa kooxda waxa uu dhacayaa xagaaga 2014, waxaana hakad ku jira wadahadalo heshiis cusub ah.
Ashley Young oo dhaawac ka soo laabtay ayaa si toos ah ugu soo bilowday kulankii axada, halka Antonio Valencia uu xitaa ka horeeyo Nani dhanka soo xulashada ciyaartoyda garbaha ka ciyaarta.