afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
  • tacsi
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • tacsi
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
5:35 pm | Posted by

R/Wasaawrihii hore ee Soomaaliya Cabdi Wali Gaas Oo Waji Gabax Kala Kulmay Maamulka Faroole

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Boosaaso ee Xarunta Goboilka Bari ayaa sheegaya in R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya hadana ah mudane katirsan Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Wali Maxamed Cali gaas lagu amray in uu deg deg uga baxo Gobolka Bari iyo guud ahaan Deegaanada Mamaulka Puntland uu ka arimiyo.

Amarkan ah in uu kabaxo Cabdi Wali Gaas Gobolka Bari ayaa waxaa uu kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka Puntland iyadoona Taliyaha Booliiska Magaalada Boosaaso iyo Gudoomiyaha Gobolka Bari lagu wargaliyay in Cabdi Wali Gaas amar kusiiyaan in uu deg deg uga baxo Gobolka Bari iyo guud ahaan Deegaanada Puntland.

Xildhibaan Cbadi Wali Maxamed Cali Gaas ayaa mudooyinkan waxa uu kusugnaa deegaano katirsan Maamulka Puntland uu kasoo jeedo isagoona kulamo la qaadanayay bulshada qeybaheeda kala duwan eek u dhaqan deegaanada uu tagay ee Maamulka Puntland.

Guddoomiyaha Gobalka Bari C/samad Maxamed Galan ayaa usheegay C/wali Maxamed Cali Gaas inuu deg deg uga baxo Magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland islamarkaana warkaasi uu kasoo baxay madaxtooyada maamulka Puntland.

Xildhibaan Cabdi Wali Gas wali kama uusan hadlin amarka lagu siiyay ee ah in uu kaga baxo Boosaaso iyo Guud ahaan Gobolka Bari ,waxaana socda kulamo kala duwan oo ku aadan amarka kasoo baxay Madaxtooyada uu Faroole kataliyo ee ku aadan in Gaas Puntlnad uu deg deg uga baxo.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in C/Raxman Faroole Madaxweynaha Puntlnad uu ka cabsi qabo siyaasada Cbadi Wali gaas ee ku aadan Doorashooyinka soo socda ee ka dhici doono Puntland sidaa darteedna uu doonayo in uu ka hortago Cabdi Wali Gaas uuna gabi ahaan ka saaro Maamulka Puntland si uusan uga adkaan Doorashooyinka soo socda.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM