afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
6:19 am | Posted by

SAWIRO:-Xaflad lagu taagerayo Waxbarashada & Dhiilo Welfare and Education foundation oo kadhacday Degmada Boocame

Waxaan ka dhacday Degmada Boocame ee Gobolka Sool Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka qayb galeen Boqolaal Dad wayne ah oo isugu jira Aqoonyahano,Waxgarad Culimo iyo Bulshada noocyadeeda kala duwan,Xafladan ayaa waxaa qaban qaabiyeen Waalidiinta iyo Bahda waxbarashada Boocame oo u hormood ka yahay Maamulaha Dugsiga Sare Ahmed Osmaan lug -Atoor iyo Gudoomiyaha Waxbarashada Degmada Boocame Coondhe Cabdi Cumar.

Xafladan ayaa lagu taageerayey laganada Hirgalinayey Hay adda DHiilo Welfare ana education Foundation o Somalia.waxaa kaloo magac loogu bixinayey Dugsiga sare ee Boocame kaasoo loobixiyey Dugsiga Sare ee Faarax Maxamuud Saleebaan Dhiilo Casar.
waxaa kaloo niyada loogu dhisayey Doorka Qurba joogta Boocame ay ka qaateen Waxbarashada Deegaanka ,iyadoo lagu fulinayey Codsi uga yimi qurba joogta oo ahaa in magac dugsiga sare loobixiyo Faarax Maxamuud saleebaan Dhiilo casar .taasoo ay aqbaleen Reer Boocame.
Xaflada ayaa looga sheekeeyey waxqabadka Dhiila casar iyo doorkii uu ka soo qaatay halganka midnimada soomaaliyeed.
Waxaa kaloo lagu soo bandhigay Doorka qurba joogtu ka gaysatay waxbarashada tan iyo Burburkii dawladii dhexe ee soomaaliya.
Waxaa sidoo kale loogu duceeyey asaasayaasha iyo qurba joogta Hay-adda Dhiilo welfare and education foundation iyo asaasaha ugu wayn ee maxamed farax ee dalka Canada iyo Aqoonyahadan Qurba joogta sidooo kale loogu duceeyey Deeqbixiyayaasha Waxbarashada Deegaanka boocame ugu deeqaya ee Xilka iska saaray Deegaanka iyo Waxbarashada.
Magacbixinta iyo dhiirigalinta waxbarashad deegaanka ka dib ayaa loogu baaqay inay jaaliyaduhu qayb ka qaataan waxbarashada deegaanka iyo horumarka degmada boocame Rag iyo Dumarba.
Waxaa kaloo laga codsaday qurba joogta inay dhiiri galiyaan waxbarashada deegaanka Meelkastoo ay joogaan.
HAY ADDA DHIILO WALE FARE AND EDUCATION FOUNDATION ayaa bilaabaysa Bisha Nov.1 -2012 waana Todobaadkan fooda inagu soo haya iyadoo bil walba diri doonta in ku dhow $3.000. waxbarashada boocame haddii eebe idmo. SAWIRADA

 

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM