afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
  • tacsi
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • tacsi
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
10:19 am | Posted by

Video: Giroud Iyo Coquelin Oo Maaliyado Ay Bixiyeen Dib U Weydiistay Taageerayaashii Ay Siiyeen.

Kulankii xalay ee Capital One Cup ee dhexmaray kooxaha Reading iyo Arsenal ayaa ahaa mid taariikh reebay iyadoo afar gool oo looga hormaray Arsenal ay ka soo kabsatay islamarkaana barbareeyeen, taasoo keentay in 30 daqiiqo oo dheeri ah lagu darro islamarkaana ay 7-5 ay ku garaacaan.

Laakiin goolasha badnaa ee la iska dhaliyay kaliya daawadayaasha kuma aysan jahwareerin sidoo kale ciyaartoyda ayaa iyaga laftooda ku jahwareeray.

Weeraryahanka cusub ee Arsenal Olivier Giroud iyo Coquelin ayaa markii 90ka daqiiqo ay ku dhamaatay 4-4 waxa ay u maleeyeen in ciyaarta lagu kala baxay, waxaana ay iska bixiyeen maaliyadaha iyagoo u tuuray taageerayaasha.

Laakiin kulanka Capital One oo aan aheyn mid lagu kala baxo labo lug ayaa waxa ay keentay in taageerayaasha qaar ay ogeysiiyaan labada ciyaaryahan in ciyaarta aysan weli dhamaan, waxaana ciyaaryahanada u yimid mid ka mid ah shaqaalaha kursiga keydka kaasoo ogeysiiyay in ciyaarta aan weli lagu kala bixin.

Nasiib wanaag waxa ay labada ciyaaryahan dib u heleen islamarkiiba maaliyadahooda oo ay iska soo dhiibeen taageerayaashii nasiibka u yeeshay inay qabsadaan markii loo soo tuuray.

 

HALKAN RIIX OO DAAWO VIDEO QOSOL BADAN

 

Xafiiska shabakada Afbakayle.com

nairobi/Kenya

afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM