Wafti Balaadhan Oo ay hogaaminayan Golaha Madaxtooyada Maamulka Khaatumo State Ayaa Maanta Soo Gaadhay Degmada Fiqi fuliye Ee G/Sanaag
Manta Waxaa magaalada awrboogays ka anba-baxay wafti balaadhana oo ka socota Maamulka Khaatumo waxaana waftidan horkacayey Madaxwaynayaasha Maamulka Khaatumo Maxamed Yuusuf Jaamac Indho sheel iyo Axmed Cilmi Cismaan(Karaash) Waxayna Waftidan ujeedkeedu ahaa Kormeer iyo Hirgelinta Maamulka Degmooyin iyo Tuulooyin ay kamid yihiin degmada Awr-boor gays iyo Degmada Fiqi fuliye,waxaana waftidan ay kormeer kusoo mareen Tuulooyin ay kamid ahaayeen kulaal,boodacade,oo dhamaantood kala hoostaga gobolada sool iyo sanaag
waxaana waftidani si heer qaran ah loogu soo dhawayay Degmada fiqi fuliye oo ka tirsan gobolka sanaag iyadoo ay dhamaantood shacabka degmadaas ay isugu soo baxeen fagaaraha magaalada iga oo ku lebisnaa calanka soomaliya iyo lacanka maamulka khaatumo isla markaana waxaa shacabka magaalada fiqifuliye uga mahad celiyay soo dhawaynta golaha madaxtooyada iyo waftida kale soo dhawayn ka dib ayaa shacabka waxaa lahadlay madaxwayne maxamed yuusuf jaamac indha sheel isaga oo sheegay in ay ku farax san yihiin sida ay u soo dhaween shacabka reer fiqi fuliye isla markaana ay u socdeen ayna dhamaan qaybaha kla gedisan ee bulshada ay lakul midoonaan
Waftidan ka socota Maamulka Khaatumo ayaa Safarkooda ku maridoona Degaano Badan oo ka tirsan gobolada sool iyo sanaag
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Ceerigaabo/Sanaag
Afbakaylenews@gmail.com