120 Daqiiqo Iyo Sagaal Gool Ka Dib Chelsea Oo 5-4 Ku Garaacday Manchester United.
Chelsea ayaa u gudubtay wareega 8da koobka Capital One ka dib markii ay 5-4 ugu awood sheegteen kooxda Manchester United oo marti ku aheyd Stamford Birdge afar maalmood gudaheed, iyadoo guushaas ay timid ka dib 120 daqiiqo oo ay labada kooxood wada ciyaareen.
Labada kooxood ayaa bedel ku sameeyay qaar ka mid ah line-upkoodii kulankii axada, iyadoo Manchester United ay inta badan nasasiisatay xiddigaheeda iyagoo isha ku haya kulanka sabtida ee Arsenal, halka Chelsea ay isbedel sameeyeen balse ku soo bilaabay Juan Mata iyo Mikel oo la filayay inaysan ciyaari doonin.
Ciyaarta oo jawi fiican ku bilaabatay ayaa waxaa hogaanka ciyaarta qabatay kooxda Manchester United ka dib markii goolhaye Cech uu kubadii goolka ee uu laadayay ay ka xumaatay, islamarkaana Anderson uu dhac u geystay Romeu, taasoo keentay in Giggs uu shabaqa ku hubsado goolka.
Chelsea ayaana barbareysay goolkaas ka dib markii daafaca United Buttner uu qalad kula galay diilinta ganaaxa ciyaaryahan Moses, taasoo uu garsooraha tilmaamay inay tahay rigoore.
David Luiz ayaa rigooradaas u istaagay daqiiqadii 31aad, isaga ayaana gool u sarifay, inkastoo goolhaye Lindegaard uu qiyaasay halka uu kubada soo dhigayo Luiz hadana waa uu gaari waayay ciyaartana waxa ay noqotay barbaro 1-1 ah.
Labo daqiiqo ka hor intii aan la aadin xilliga nasashada United ayaa hogaanka qabatay markii labaad, iyadoo shabaqa uu gool ku hubsaday Chicharito. Waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 2-1 oo ay hogaanka ku heysay kooxda Manchester United.
Qeybtii labaad ayaa iyadana waxa ay kubada ku bilaabatay weerar iyo weerar celis, waxaana Chelsea ay heshay mar kale goolkii barbaraha daqiiqadii 52aad.
Juan Mata ayaa kooner uu u soo tuuray Chelsea waxaana madaxa la helay Gary Cahill , iyadoo Reafel oo shabaqa ku dhex jira uu madax ku soo bixiyay, laakiin kubada ayaa dhaaftay xariiqda goosha sidaasi darteed Cahill iyo Chelsea waxa ay u dabaaldegeen goolka barbaraha ee ay heleen.
6 daqiiqo ka dib United ayaa ka jawaabtay oo mar seddexaad hogaanka ciyaarta qabatay, iyadoo Nani uu kubad qatar ah ka dulqaaday goolhaye Petr Cech. Waxaana uu ciyaarta ka dhigay 3-2 oo ah natiijadii ay United axadii kaga badisay horyaalka Ingariiska isla kooxdaan Chelsea.
Bartamihii qeybta labaad ee ciyaarta Chelsea ayaa cadaadis saartay Man United iyagoo raadinayay goolka barbaraha, waxaana ay u soo dhawaadeen dhowr jeer inay shabaqa soo taabtaan laakiin fursadahoodii waa ay qasaareen.
Chelsea oo weerarkeeda sii wada ayaana ka carootay daqiiqadii 72aad inaan loo dhigin rigoore ka dib markii Juan Matta kubad uu la soo galay diilinta ganaaxa uu ay gacanta kaga dhacday ciyaaryahanka da’da yar ee United Keane, balse garsoore Lee Mason ayaa tilmaamay inaysan rigoore aheyn.
Chelsea ayaana sii waday weeraradeeda ay ku raadineysay goolka barbaraha, laakiin fursado qatar ah oo ay abuureen ka dib waa ay haleeli waayeen inay shabaqa kubad ku hubsadaaan.
Ilaa iyo daqiiqadii ugu danbeysay ee seddexdii daqiiqo ee ciyaarta lagu daray, markaasoo weerarkii ugu danbeeyay ay soo qaaday Chelsea iyadoo Ramires oo kubad halis ah ku dhex heysta diilinta ganaaxa uu kala tuuray da’ yarka United Wootton, taasoo keentay in rigoore loo dhigo Chelsea.
Eden Hazard oo qeybtii labaad ee ciyaarta bedel ku soo galay ayaana si aan dhib ku jirin rigooradaas gool ugu sarifay taasoo keentay in ciyaarta la isla aado 30ka daqiiqo ee dheeriga ah.
Chelsea ayaana hogaanka ciyaarta qabatay markii ugu horeysay daqiiqadii 97aad, markii karoos la soo dhigay uu madax ku dhiibtay daafaca da’da yar Wutton taasoo uu ka faa’ideystay Sturridge oo ladabamaray goolhaye Lindergaard islamarkaana shabaqa dhigay kana dhigay ciyaarta 4-3.
Chelsea ayaana sii waday weerarkeeda iyagoo sii helay fursad qaali ah oo ay ka mid ah laad xor ah oo uu birta ku dhuftay David Luiz laakiin hogaanka waa ay sii dheereysan waayeen.
Laakiin Chelsea ayaa goolkii shanaad ee ciyaarta shabaqa ku hubsatay daqiiqadii 116aad markii Eden Hazrad uu kubad qatar ah meel fog ka soo qaatay isagoo si fiican u qalqal geliyay daafaca United ka hor inta uusan si wacan ugu baasin Ramires kaasoo ay isku soo hareen isaga iyo goolhayaha, xiddiga khadka dhexe ayaana maray goolhaye Lindergaard islamarkaana shabaqa dhex dhigay kubada.
Ryan Giggs ayaana dhamaadkii 30da daqiiqo gool u soo celiyay United ka dib markii uu u saxiixay gool rigoore ahaa. Balse ciyaarta ayaa ku dhamaatay 5-4 oo ay ku badisay Chelsea.
Chelsea ayaa ugu yaraan heshay aarsasho fiican iyagoo isku ilowsiiyay guuldaradii axada ee ka soo gaartay United guushaas 5-4 ee ay ka gaareen caawa, waxaana ay haatan iska xaadiriyeen wareega 8da koobka Capital One Cup.
Dhanka kale kooxda Liverpool ayaa ka hartay Capital One Cup ka dib markii guuldarro 3-1 ay ka soo gaartay kooxda Swansea, iyadoo macalinka Reds uu booqday kooxdiisii hore ee Swansea islamarkaana guuldarro lagu soo dhaweeyay.
Swansea ayaa qeybtii hore ee ciyaarta hogaanka qabatay markii Chico uu gool u saxiixay, waxaana qeybtii labaad u labeeyay Dyer, iyadoo Liverpool uu gool u soo celiyay Suarez.
Laakiin Guzman ayaa daqiiqadii 90aad ee ciyaarta u dhaliyay goolkii seddexaad kooxda Swansea, taasoo keentay inay iska xaadiriyaan wareega 8da ee Capital One Cup.
Tottenham ayaa iyadana si la yaab leh looga reebay Capital One CuP ka dib markii guuldarro 2-1 ay ka soo gaartay kooxda Norwich oo ay marti u ahaayeen.
Tottenham ayaa hogaanka ciyaarta ku heysay 1-0 ilaa iyo daqiiqadii 84aad iyadoo goolkaas uu u dhaliyay xiddigooda Gareth Bale, laakiin gool ay iska dhaliyeen daqiiqadii 84aad ayaana ciyaarta barbaro ka dhigtay.
Iyadoo labo daqiiqo ka dib uu goolka guusha Norwich u saxiixay Jackson, dhamaadkii ciyaarta Spurs fursad qaali ah ayaa soo martay oo rigoore ayaa loo dhigay laakiin waxaa ka qasaariyay Clint Dempsey.