afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
6:43 pm | Posted by

Lionel Messi: Asxaabta Aan Isla Ciyaarno Waa Ka Warqabaan Inaan Aheyn Kaligii Taliye Yar.

Lionel Messi ayaa ku tilmaamay wax lagu qoslo wararka soo jeedinaya inuu awood ku leeyahay kooxda Barcelona oo uu yahay kaligii taliye yar.

25 jirkaan ayaa murano kulul ay is dhaafsadeen Cristian Tello, Isaac Cuenca iyo David Villa labadii xilli ciyaareed ee ugu danbeysay, laakiin Messi ayaa shaaca ka qaaday inaysan wax dhibaato ah kala dhaxeynin asxaabta ay wada ciyaaraan.

“Kaligii taliye yar? Waxba igama gelin waxa ay dadku yiraahdaan. Asxaabta aan isla ciyaarno oo dhan waa ay ka warqabaan inaan sidaasi aheyn.” ayuu yiri Messi sida ay qortay Sport.

“Sharaf ayay ii tahay inaan qeyb ka noqdo kooxdii ugu fiicneyd ee Barcelona ee abid. Kaliya ma ahan wixii aan ku guuleysanay laakiin sidoo kale qaabka aan u ciyaarno.”

Ciyaaryahanka reer Argentina ayaa sidoo kale ka hadlay inaysan saameyn ku yeelan taageerayaasha ka soo horjeeda ee jaanta iskula roga magaca Cristiano Ronaldo.

“Dheg uma dhigo waxa ay ku hadaaqaan. Waa wax iska caadi ah in taageerayaasha kaa soo horjeeda ay isku dayaan inay ku jahwareeriyaan.”

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM