Prof.Cali Khaliif Galaydh iyo Prof Axmed Samatar Oo loo magcaabay Hilal Muhim Ah Oo Saamayn Wayn Ku yeelanaya Siyaada Maamulka Somaliland
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilal culus oo mihiim ah u magcaabay Prof Cali Khaliif Galaydh iyo Axmed Ismaaciil Samatar oo labadubadhalasho ahaan ka soojeeda Degaanadda KHaatumo Iyo Awdal
Ma jiro war rasmi ah oo lagu shaaciyay magcaabista labadaa Nin iyo xilalka loo magcaabay oo kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Somalia, balse warar laga soo xigtay ilo dublamaasiyaseed iyo dad ku dhow dhow xafiiska Madaxweynaha ayaa u sheegay shebekada Afbakayle.com in labadaa nin loo magcaabay danjirayaal, iyadoo wararka iyo xoggaha hordhaca ee aan helnay sheegayaan in Prof. Cali Khaliif Galaydh loo magcaabay Danjiraha dalka Maraykanka u jooga dawlada Somaliya, halka Prof. Axmed Ismaaciil Samatar loo magcaabay Danjiraha Qaramada Midoobay u fadhiya dawlada Somalia.
Inkasta oo Raysal wasaaraha cusub ee dhowaan loo doortay dawlada Somalia aanu weli dhisin golaha wasiiradda xukuumaddiisa, hadana waxa jira warar sheegaya inay jiraan jagooyin iyo xilal si hoose loo magcaabay, kuwaas oo aan la shaacin weli.
Labadan aqoonyahan ee Prof Cali Khaliif Galaydh iyo Prof. Amxed I Samatar d, isla markaana aaminsan midnimada Soomaaliyeed, ayaa saamayn ku yeelan kara siyaasada arrimaha maamulka somaliland haddii ay magcaabistooda xilalka danjirayaasha qaramada midoobay iyo dalka Maraykanka noqdaan, isla markaana waxay talaabadani u muuqanaysaa mid hordhac u ah qorshayaal siyaasadeed oo u qarsoonaa Madaxweynaha cusub ee Somalia, kuwaas oo uu doonayo inuu dagaal siyaasadeed kaga hortago qadiyada aqoonsiga Somaliland iyo baadi goobka ay ugu jirto inay dunida ka hesho
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Moqdisho/Somalia
Afbakaylenews@gmail.com
WAAR MAAD RUN ISKU SHEEGTAaan. ARRINTIINU WAA XAYDH JECLI BEERKA JECLI. ODAYAASHINA XALEY XAMAR KA QAYLINAYEEN ee BAL dhinic isku shuba.
waa laba caada qaate waa caan waa caada qaatayaaal
cabdullaahi nuur ducaale coeemntmd on Ayaansan.com | Ayaansan Times:Dan qaran ha ka doonin dawlad caamil ah caalamka aan kunoolahay waxaa soo maray taariikh kala duwan,waxaana taariikhda loo bartaa in laga faa,iideeysto,laguna cimri qaato,shalay wixii dhacay iyo waxa ay noqotay natiijadeeda,ma aha markii ugu horeeysay aduunka umad leh dhul iyo xuduudo layaqaan,akasoo dhexbaxaan dad u dhashay dalkaas kana dhashay dadkaas in ay noqdaan caado qaatayaal aan iimaan lahayn kuna tunta sharafta iyo karaamada umadaas iskuna daya, in ay sandareerto dhaafsadaan umadooda,ayna isku dayaan in ay u dabraan cadawgooda,waana tan maanta iyo shalayba heeysatay umada soomaaliyeed oo ah umad ay cadaw u noqdeen dariskooda, iyo wadamadii ugu waaweynaa caalamka, laakiin waxaan xasuusinayaa umada soomaaliyeed, kuwa biiro qaatayaasha iyo cadawgeena oo ay ugu horeeyso qaramada midoobay oo magac ahaan caalamka kulmisa laakiin ah shirkad ay ku danaystaan in yar oo ay ka maqantahay aadminimada iyo karaamada dhabta ah ee lagu garto umadyoowga sharafta leh, in caalamkan uu leeyahay ilaah uuna abaal marin doono,tusaale waxaa idiinku filan oon idin xasuusinayaa afrika waxaa lagu qaybsaday baarliin, jawaabta ilaah ka bixiyayna waxeey noqotay in baarliin qaar kamid ah kuwii wax ku qaybsaday in ay qaybsadaan waana dulmigii ay casuuntay,taasi iyo tu ka xun waxaa dhaxal u helidoona kuwa maanta dhulkooda u ogalaaday in cadaawada umada soomaaliyeed lagu go,aamiyo,tusaale xarunta qaramada midoobay, xarunta igad iyo meel waloo loo fariisto shirqoolada lagu wado soomaaliya iyo soomaalidaba,kuwa sheeganaaya dawladnimada ee caamilka ahna waxeey mudan doonaan carada ilaah, ama diinta baro ama mid caamo ahba ahoow,soomaalidu waa masaakiin, ay dilootay dibin daabyada cadaawaha aan nixin, laakiin waxeey leeyihiin alle u gargaara,waxaan u mahad celinaayaa ra,isal wasaaraha sharciga ah ee heeysta codka dadkiisa mudane farmaajo waxaana hubaa sida umada soomaaliyeed kuu jeclaatay in illaah kuu jecelyahay,waxaana leeyahay aadmigu waa ku adagtahay in uu gaaro darajadaada oo kale,waxaana kaaga tacsiyeeynayaa waxa kugu qabsaday, magaaladaad ku dhalatay, waxaana ku leeyahay rag wax walba waa qabsadaan ku samir jacaylka dadkaaga, sheekh shariif waxaan kula talinayaa ilaah wuxuu ku baray cilmigiisa umada soomaaliyeedna aad ayeey kugu sharaftay,ha hilmaamin aaqiradaada waxaa tahay kii ka wacdin lahaa umada wixii u xun qiyaamahooda walaal isku noqo isku day inaad ku dhowaato illaah aadna ka dooran rabi gaal aan dad u hayn diintaada dadnimadaada iyo qiyaamahaaga, xataa waxaan kugula talinayaa inaad xaqa u dhimato waayo aduunka waa maalmo tirsan aaqirana waa danbeeysaa, wax waloo qaldana waad garan kartaa, shariif xassan waxaan ugu duceeynayaa in illaah iiimaankiisa hagaajiyo kana saaro xumaha uu ku dhex jiro, ilaahna garansiyo in uu u toowbadkeeno asaga iyo inta lamid ahba