afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
9:24 am | Posted by

R/Wasaare saacid oo heesato laba daran mid dooro, M/weynaha iyo Baarlamaanka uu labo caqabadood kala kulmayo

Tan iyo markii lamagacaabay R/wasaaraha xukuumada federlaaka Soomaaliya, Abdi faarax Shirdoon, oo baarlamaanku ay ku ansixiyeen aqlabiyad aan horay loo arag ayaa waxaa soo baxayay caqabado laba ah oo saameyn kara mustaqbalka Shaqo ee R/wasaaraha, arintaas oo laxariirta soo xulista golihiisa wasiirada.

lama saadaalin karto Mustaqbalka R/Wasaare Saacid , hasa yeeshee waxa uu kala dooranaa in uu sii shaqeeyo isaga oo caqabad dhibkeed leh xagga madaxweynaha kaheysato iyo in uu shaqadiisaba waayo oo ah biya shubka Caqabada madaxweynaha xilligan kaheysata, sida dad xog ogaal ah ay ku waramayaan.

Dadka arinta sida aadka ah ula socda ayaa waxa ay sheegayaan in maadaamada madaxweynuhu xilka uusan kaqaadi Karin xilka uu doonayo si dadban uu uga qaado kadibna uu keeno R/wasaare kasocda xisbiga uu aasaasaha madaxweynuhu kayahay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa uu isagu doonayaa R/wasaraha in uu u meeeriyo waxa uu isaga rabitaankiisu yahay isaga oo aan eegeyn dhibka kadanbeyn kara oo bulashada iyo baarlamaanka oo shacabka metela uga imaanaya R/wasaaraha iyo xukuumadiisa, waxaana uu sanka kagelinayaa in uu dhiso xukuumad sagal wasiir kakooban.

Xukuumadaas sagaalka wasiir kakooban hadii uu dhiso R/wasaaraha shaki kuma jiro in baarlamaanku diidayo oo ay kalsoonida weyneyso, maxaa yeelay baarlamanku waxa uu ku dhisanyahay awood qeybsi, qabiilkii isaga jeedi waayana xildhibaanadiisu uma codeynayaan xukuumad aysan kadhex muuqan, waxana meeshaas ka dhalanaya in R/wasaare Saacid xukuumadii uu bisha ku maqnaa daadku qaado, iyada oo ay meesha wali u taalo caqabadii M/weynuhu uu uga doonaya Sagaal wasiir.

R/wasaaraha waxa uu ku dhiiran karaa in uu iska diido liiska loo yeerinayo ee uu xukuumadiisa soo dhiso isaga oo aan qabiilna ku xad gudbeyn si uu u helo kalsonida baarlamaanka xukuumadiisuna u noqoto mid qabaa iladda dhan ay raalli kayihiin, markaasna waxaa meesha kabixi doona isku dhawansho ay yeeshan isaga iyo madaxweynaha.

Arinta labaad ee uu sameyn karo ayaa ah in uu madaxweynaha taabici u noqdo oo uu soo dhiso xukuumada liiskeeda madaxweynuhu gacanta kuhayo ee 9-ka wasiir ah kadibna baarlamaanku kusoo celiyo taas oo ugu danbeynta gaarsiineysa in isaguna dhoco oo booskaas lakeeno nin katirsan xisbiga PDP oo sida lasheegay Xassan Sheekh Maxamuud u hadaba u sii gogol xaarayo.

Ninkaas oo lagu magacaabo DOODISHO waxaa wararku sheegayaan in goor hore ladoonayay in lamagacaabo hasa yeeshee si shacabka iyo Beesha Caalamka indhahooda leesaga jeediyo Saacid lakeenay iyada oo danta laga lahaa aysan aheyn in uu shaqeeyo laakiin lafashiliyo si ruuxii diyaarsanaa durbadiiba loogu soo bedelo.

Xildhibaanno arinta sheeda kala socda ayaa waxa ay sheegeen in arintu kaweyntahay wasiirra leesku heesto ee ay taagantahay kursiga Saacid, hadii ay arintaan meesha looga saarayo R/wasaare Abdi Faarax Shirdoon (Saacid) ay dhab noqotana waxa uu noqon doonaa R/wasaarihii ugu horeeyay ee Soomaaliya isaga oo aan wax shaqo ah dalka u qaban xilkiisa waaya.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM