Xiddiga Arsenal Gervinho Oo Garoomada Ka Maqnaan Doona Muddo Seddex Isbuuc Ah.
Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Arsenal Gervinho ayaa la lagu wadaa inuu garoomada ka maqnaado muddo seddex isbuuc ah madaama uu dhibaato ka qabo canqowga sida uu xaqiijiyay tababare Arsene Wenger oo maanta qabtay shir jaraa’id.
Ciyaaryahanka reer Ivory Coast ayaa la bedelay kulankii QPR ee Premier League ka dib markii uu si xun u dhacay qeybtii labaad ee ciyaarta.
“Marka loo barbardhigo isbuucii hore dabcan Gervinho waa uu maqan yahay, waxaana u maleyneynaa inuu maqnaan doono seddex isbuuc” ayuu yiri Wenger.
“Wax inoo soo laabanaya ma jiraan Ma heysano Wojciech [Szczesny], ma heysano [Kieran] Gibbs, ma heysano [Abou] Diaby sidoo kalena.
“Caadiyan kooxdeena waxa ay ka koobnaan doontaa kooxdii aan heysanay isbuucii hore. Wax dhaawac ah nagama aysan soo gaarin kulankii habeenka talaadada.” ayuu hadalkiisa raaaciyay.