afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
6:51 pm | Posted by

Balotelli Oo Sheegay Inaan La Bedeli Karin Isir Nacaybka Uuna Doonayo Inuu La Kulmo Obama

Weeraryahanka Manchester City Mario Balotelli ayaa sheegay inaysan jirin wax laga samayn karo  dadka isir nacaybka ku dhaqma sababtoo ah waa doqonimo la dhaxlay.

Wareysi ay la yeelatay jariirada Time Magazine ayuu ciyaaryahankan xulka Italy ka tirsan balse waalidkiis ay ka soo jeedaan dalka Ghana ayaa waxa uu si furfurnaan ah uga hadlay arrinta isir neceybka ee uu la kulmay intii uu ku dhex jirey ciyaarta kubbada cagta.

22-jirkan ayaa waxa uu hore u tilmaamay in halkudhegyada isir nacaybka uu dhamaaday xilligii uu u ciyaarayay Inter Milan ee dalka Italy waxana uu rumeysan yahay mashaakilka isir neceybka ee ka jira dalka Talyaaniga uu ka sii xun yahay England.

Dadka isir naceybka ah waa dad kooban mana jirto wax bedeli kara ayuu yiri Balotelli.

‘Waad hadli kartaa, waad samayn kartaa waxa aad dooneysid laakiin waxba kama saman kartid sababtoo ah waa dad nacasiin ah.

‘Marka aanan ahayn qof caan ah, waxaan lahaa dad badan oo saaxibo ila ahaa, ugu yaraan dhamaantood waa Talyaani,’ayuu yiri. ‘Isir naceybka waxa kaliya uu bilowday markii aan bilaabay kubbada cagta.

 

“Laakiin aniga waxa aan rajaynayaa in aan ka caawin karo Italy inay noqoto dal casri ah sida England iyo America.”

Balotelli ayaa sidoo kale ka hadlay sida uu ula dhacsan yahay madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama waxana uu yiri:”Dhabtii waan ku farxay inaan arko nin madow oo ah taliye ciidan, waan jeclahay inaan la kulmo Obama.”

Balotelli ayaa waxaa uu soo maray xiriir adag oo kala dhexeeyo tababaraha City ee Roberto Mancini marar badan laakiin waxa uu u sheegay Time in uu u arko in tababaraha ay isku dalka ka soo jeedaan uu u yahay aabbe oo kale.

“Xiriirka igala dhexeeyo Mancini waa mid muhiim ah.” ayuu sii raaciyay balotelli. ”Wuu i yiqiin tan iyo markii aan yaraa waxana uu ii yahay aabbe oo kale.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM