DAAWO:-Dhalinyaro Soomaliyeed oo xirneed Maaliyada Qarankeena oo Cadaan isa soo aruursaday Koob ka qaaday (Daawo Muuqaal+warbixin)
Koox dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo ku Ciyaareesay magaca iyo Maaliyada xulka Qaranka Somalia ayaa si awood ah waxa ay koob kaga qaadeen Dhalinyaro Cadaan ah oo ka kala socday qaar ka tirsan dalalka Qaarada Yurub gaar ahaan kuwa lagu tix galiyo dhanka Ciyaaraha Kubada cagta .
Halkaan ka Daawo Soomaali Koob ka qaaday Cadaan isa soo aruursaday
Kulankaan oo ahaa mid Afar geesood ah ayaa waxaa Bilowgii ciyaarta 4-Gool oo xiriir ah looga naxsaday kooxdii mataleeysay Xulka Qaranka Somalia balse Nasiib wanaag waxaa badal fara badan sameeyay Tababarihii watay xulka Dhalinyarada Soomaaliyeed Liibaan Axmed Sooyaan oo ugu dambeyntii Ciyaarta ka dhigay 5-5.
Kooxihii ka qeeyb galay tartankaan ayaa loo tiriyay Dhibcihii ay heleen waxaana ugu dhibco batay oo inta badan guuleeysatay kooxdii Matalaysay Xulka Qaranimada Soomaaliyeed oo sidaas lagu gudoonsiiyay Koobkii .Munaasabada Tartankaan oo eheed mid aad loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu xusayay mid ka mid ah Barnaamishyada ugu caansan ee ka baxa Tv-ga Universal .
Qaarada Yurub gaar ahaan Soomaalida qurbaha ayaa waxaa aad looga helayaa Ciyaartooy Soomaaliyeed oo qaarkood ku dhashay Qurbaha kuwaas oo u kala Ciyaara kooxaha yar yar ee ka dhisan wadamada ay ku nool yihiin .

waa guul dhalinyarada soomaaliyeed soo hooyeen
soomaaliya ha noolaato soomaali deedku ha dhintoo ha dhaco