afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
12:22 pm | Posted by

Jose Mourinho: Ma Aqaano Waxa Aan Sameyn Doono Marka Aan Ka Tago Real Madrid.

Tababaraha Real Madrid Jose Mourinho ayaa sheegay inuusan wax qorshe ah sii degsan marka uu ugu danbeyn ka tago kooxda Los Blancos.

Ka dib markii uu Los Blancos ku hogaamiyay horyaalka La Liga xilli ciyaareedkii hore, tababaraha reer Portugal ayaa noqday tababarihii ugu horeeyay ee horyaal ku soo qaada Italy, England iyo Spain.

Mourinho ayaa ka shaaca qaaday in baahida uu mar walba u qabo inuu horumar sameeyo inay fure u tahay guushiisa kubada cagta.

“Xilligii aan da’ yaraa waan ogaa in hadii aan doonayo inaan horumar sameeyo inay tahay inaan aado wadamo kale. Waan ogaa inaan u baahnaa inaan safro, oo aan la kulmo tartamo cusub si aan shaqsi ahaan u koro.” ayuu Mourinho u sheegay majalada Ronda Ibera Magazine.

“Markii aan bilaabay safarkeyga, waxaan qorsheystay England, Italy iyo Spain. Marka aan ka soo dhamaado Real Madrid, ma aqaano halka uu mustaqbalkeyga u jiheysan doono.

“Waxaan mar walba tartan kula jiraa shaqsiyadeyda. Waxaan mar walba isku dayaa inaan noqdo tababaraha ugu fiican. Si kastaba waxaan sidoo kale ka fekeraa dadka kale taasoo wax fiican ii ah.

“Waa ay sii adkaaneysaa in tababare la noqdo maanta. Tababare maanta ah ma noqon karo sidii uu ahaa 10, 20 ama 30 sanno ka hor.

“Waa shaqo isa sii bedbedelsya . Howsha laga doonayo tababare waa ay ka sii badatay kaliya inuu soo xusho 11ka ciyaaryahan ee ciyaar ku soo bilaabanaya iyo inuu baro farsamo iyo inuu bedel samaayo.”

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM