afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
12:25 pm | Posted by

Rodgers Oo U Sheegay Liverpool Inay 8 Milyan Ginni Ku Dalbaan Xiddiga Arsenal Theo Walcott.

Liverpool ayaa 8 milyan ginni diyaar la ah inay ku dalbato Theo Walcott bisha Janaayo marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, sida ay qortay Daily Mail.

Xiddiga reer England ayaa qandaraaskiisa uu dhacayaa xagaaga soo socda, Arsenal ayaana isku dayaysa ka hor dhamaadkan sannadkan inay heshiis cusub ka saxiixaan.

23 jirkaan ayaa diiday heshiis shan sanno ah oo uu isbuucii ku qaadanayo 75 kun ginni oo ay u soo bandhigtay Arsenal, madaama uu ciyaaryahanka doonayo in laga ciyaarsiiyo booska gooldhaliyaha oo laga soo bedelo garab weerar, iyo sidoo kale in si joogta ah loo ciyaarsiiyo.

 

 

Tababaraha Liverpool Brendan Rodgers ayaana diyaar la ah inuu labadaas arimoodba u fududeeyo Walcott. Waxa uu doonayay inuu ciyaaryahanka la soo wareego xagaagii la soo dhaafay, waxaana uu haatan dalabkiisa cusbooneysiin doonaa bisha Janaayo.

Rodgers, oo gooldhaliyayaal yari ay heyso ka dib markii uu amaah isaga dhiibay Andy Carroll islamarkaana Fabio Borini uu cagta ka jabay ayaa doonaya inuu labo weeraryahan ugu yaraan uu ku soo kordhiyo kooxda iyadoo Walcott uu ka mid yahay ciyaartoyda diirada u saaran

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM