afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
9:24 am | Posted by

Daawo+Sawiro;-Gudaha Somalia Oo Maalmahan Lagu Arkayo Wariyayaal Hubaysan si ay amaankooda Usugaan

Iyadoo Dilalka qorshaysan ee loo gaysanayo Wariyaasha kahawlgala Gudahada dalka soomaliya ay marba marka kasii dambaysaya Ay sii kordahayso ayaa Waxaa Gudaha Soomaliya Lagu arkayay Maamlahan Wariyaal Sita Hub Dhinacna ku sita Kamaro, maadama uu amaan kooda uu faraha kabaxay islamrkaana ay usugaan Amaankooda.

Sanadkan oo kaliya, ayaa Sideed iyo toban qof oo ka shaqeeya warbaahinta ayaa lagu dilay sanadkan oo kaliya intooda ugu badan magaalada Muqdisho.
Waxaa ugu dambeeyay abwaan Warsame Shire Cawaale oo ka shaqeynayay idaacadda Kulmiye ee ka howlgasha Muqdisho.

Waxaa maalmo ka hor isaguna lagu dilay markii ugu horeeysay magaalada Laas Caanood Wariye Axmed Saakin Oo ka hawl Gali jiray Tvga Universal iyo websetka Afbakayle.com, Axmed saakin faarax Ay oo aydileen Kooxo Ku hubaysan baastoolado oo aan haybtooda Lagaranayn.
Dilalka weriyayaasha iyo shaqaalaha warbaahinta waxaa si xowli ah ay u soo bilowdeen sanadkii 2007 markaas oo boqolaal ka shaqaalaha warbaahinta ah ay isaga baxeen Gudaha Wadan soomaliya, kuwaas oo Qaxoonti Ku ah dalal shiyete Ee Dariska La ah dalka soomaliya

Waxaa intaas dheer xarig iyo handadaal kale oo dadka saxaafadda ka shaqeeya lagula kaco, kuwaas ay kula kacawaan Maamulada ka Dhisan gudaha Somalia ama Kooxaha nabaddiidka ah Ee ka dagaalamada gudaha Dalka somaliya

Xafiiska Shabakada Afbakayle.com

Moqdisho/Somaliya

Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM