afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
2:10 pm | Posted by

Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud oo fakir soo soo foodsaaray. (muxuu ka fikirsanyahay?)

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud ayaa waxaa soo wajahay wal wal aad u balaaran kadib markii ay siyaasiyiin iyo xildhibaanno rug caddaa ah ay dib u dhac ku keeneen hamigiisii.

Xassan Shiikh Maxamuud ayaa kadib markii uu aqriyay dastuurka Soomaaliya waxa uu kahelay qodob awood u siinaya inuu baarlamaanka kala diri karo hadii uu tiisa kawaayo,waxa uuna wixii markaasi kadanbeeyay uu ku dhiiraday in uu isagu wasiirada xukuumada saacadaha kadib lafilayo in lagu dhawaaqo uu isagu go’aanka ugu danbeeya kagaaro isaga oo isku haleynaya qodobkii dastuurka, hasayeeshee wax waliba waxa ay isbedeleen markii shax kale lala dheelay.

Xildhibaanada baarlamaanka gaar ahaan qolyaha ogaaday in madaxweynuhu uu xuquuqdoodii duudsiinayo isaga oo kaashanaya qodob dastuuri ah ayaa waaxa ay dadaal u galeen in qodobkaasi meesha laga saaro, arintaas oo ugu danbeyn maanta hir gashay kadib markii baarlamaanku cod aqlabiyad leh ay ku diideen qodobkaasi inuu dastuurka kasii mid ahaado.

Markii uu soo baxay warka sheegaya in baarlamaanku qodobkasi ka saaray dastuurka ayaa ila wareedyo ku sugan madaxtooyada waxa ay sheegeen in madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud uu si aad ah uga niyad jabay oo uu murugo bedeshay wajigiisa kusoo biirtay.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM