Maleeshiyaad Ka soo jeeda Beesha Isaaq Oo Xalay Laba Nin Oo Kasoojeda Deegaanka Khaatumo Ku dilay Magalada Oog
Waxaa Magaalada OOG ee Taliska Jabhada SNM xalay lagu Dilay Labo nin oo ka soo jeeda deegaanka Khatumo State siiba magaalada Buuhoodle, waxaana wararka saaka ka soo baxayaa ay sheegayaa in labadaa nin lagala soo baxay Hotelkii ay ka cashaynayeen xalay.
Waxaa jirtay colaad aad u xun oo u dhexaysa Khatumo State iyo Jabhada SNM ee sheegta maamulka Somaliland, waxaana colaadani ka bilaabatay kadib markii ay dhulbalaadhsi balaadhan ay bilaabeen
Jabhada SNM ee ku soo duulay dhulkii Khatumo State.
Inkasta oo uu dagaalo xoogani ka dhaxeeyaan labada maamul, hadana waxaa la yaab ku noqotay Maamulka Khatumo State in maydii xalay wali uu saaka dhexyaalo wadda dhexdeeda oo aan la asturin.
Dhinaca kale waxaa la soo sheegay in saaka uu ka socodo Abaabul xoogan Gobolka Sool siiba deegaanada u dhow ee Magaalada Oog ee Guumays illaa Buuhoodle oo ah meesha ay ragani ka soo
jeedaan. Magaalada Buuhoodle oo ragani ka soo jeedaana ayaa saaka lagu wadaa inay u ambabaxaan si maydka looga soo qaado magaaladaas dhiig badani lagu daadiyay.
Isku soo wada duubow waxaa muuqta incolaad xoogan ay ka dhex qaraxday deegaanadaas horayna uu dagaal dhimasho badan dhexmaray, waxaana hada xidhmay isku socodka dhamaan gaadiidka Lascanood iyo Burco ilaa Buuhoodle isga kala gooshi jiray.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Laascaanood/SoolÂ
Afbakaylenews@gmail.com