Uganda oo ku hanjabtay in ay ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya
Dowladda Uganda ayaa ku hanjabtay inay ciidamadeeda kala baxayso gudaha dalalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ee Congo (DRC), kaddib markii warbixin Qaramada Midoobay ay soo saartay ay ku eedeysay inay taageerto mucaaradka M23 ee saldhigga ku leh Bariga DRC.
Qoraal uu baarlamaanka u diray ayuu ra’iisul wasaaraha Uganda, Amama Mbabazi, ku sheegay Jimcihii shalay in warbixinta Qaramada Midoobay ay tahay mid aan raad lahayn , caddaalad-darro ah oo nacayb xambaarsan.
Warbixinta Qaramada Midoobay oo bishii hore ay saxaafadda u heshay si aan rasmi ahayn, ayaa sidoo kale Rwanda oo ay dhinaca Koonfureed daris ka yihiin Uganda ku eedeysay taageerada mucaaradka M23.
Ra’iisul wasaare Mbabazi ayaa sheegay in Uganda ay door muhiim ah kaga jirto wax kastana ay u hurayso nabad ku soo dabbaalidda gobolka, sidaa darteedna ay u qalantay fahan wanaagsan inay ka hesho Qaramada Midoobay iyo gobolka.
“Waxaan hadda go’aansannay, kaddib wada-tashi aan la yeelanayno walaalaheen AU iyo gobolka, inaan gabi ahaan ka harno dadaallada nabadda gobolka; sida DRC, Soomaaliya iyo kuwo kale,” ayuu Mbabazi sheegay, sida ay qortay jariiradda New Vision ee ka soo baxda Uganda.
Kooxda mucaaradka ee M23 ayaa bishii March ee sanadkii 2009 heshiis la saxiixatay dowladda Congo, kaas oo u oggolaanayay inay noqoto xisbi siyaasadeed. Kooxda waxaa ku jira dagaalyahanno horay uga tirsanaa Golaha Qaran ee Difaaca Dadka (CNDP), oo ah dhaqdhaqaaqa qowmiyadda Tutsiga.
Hoggaamiyaha kooxda, Bosco Ntaganda ayay Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC u aqoonsatay dambiile, waxaanay kooxda uu hoggaamiyo ay dowladda Congo la dagaallamaysay tan iyo bishii March, iyadoo dagaal kula wareegtay magaalooyin dhowr ah, waxaana dagaalladaasi ku barakacay dad badan oo rayid ah.
Ciidamo gaaraya 5,700 oo askari ayaa Uganda ka jooga Soomaaliya, iyadoo 2,700 oo askari ay uga dhinteed tan iyo sanadkii 2007 oo uu billowday Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, sida uu sheegay wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Kenya Richard Onyonka.