afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
2:03 pm | Posted by

War Deg Deg Ah Weeraro Ismiidaamin ah oo goordhaw ku dhacay Baar Weyn oo kuyaala Magaalada Muqdisho

Waxaa goordhaw Weerar la sheegay in uu yahay Ismiidaamin ka dhacay Baar weyn oo lagu Magacaabo Sports Café oo kuyaala agaarka Zope ee Magaalada Muqdisho.

Wararka aan ka heleyno halka uu ka dhacay Weerarka Ismiidaaminta ah ayaa sheegaya in qaraxyadu ahaayeen ilaa labo Qarax oo Ismiidaamin ah ay fuliyeen labo Nin oo isku soo xiray Waxyaabaha Qarxa sida Goob joogayaal noo sheegeen goordhaw.

Dad badan ayaa goobta wax ku gaareen kuwaa oo la sheegay in ay soo gaareen Qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxaan goobta hada kusii qul qulaya gawaarida Ambaalsta oo daad gureenaya dhaawacyada iyo dhimashada.

Wararka qaar ayaa sheegaya kahor qaraxyada in iska hor imaad uu dhaxmaray Raga isqarxiyay iyo ilaalada Baar iyadoona Wararka qaar sheegayaan in qaraxu ka dhacay afaafka hore ee Baarkaasi gaar ahaan halkii ay joogeen ilaalada

Xaalada ayaa ah hada mid kacsan waxana goobta buux dhaafiyay Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya ,waxaan goobta kasocda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelado kasoo gaartay Weerarkaasi lagu qaaday Baarka kuyaala agagaarka Zope ee Magaalada Muqdisho.

Waa weerarkii labaad oo Ismiidaamin ah oo ka dhaca Baar kuyaala Magaalada Muqdisho iyadoona dhawaan ay aheed markii Baar The Village oo kuyaala Guriga Hooyooyinka ee Degmada Xamar weyn uu ka dhacay Weerar kale oo Ismiidaamin ah oo dhaliyay dhimashada add tiro badan ay kujireen Wariyaa

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM