afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
4:19 pm | Posted by

Cristiano Ronaldo: Saaxiib Lama Ahi Lionel Messi, Laakiin Xirfad Ayaa Igala Dhaxeysa.

Cristiano Ronaldo ayaa shaaca ka qaaday in xiriirka kala dhaxeeya Lionel Messi uu yahay kaliya mid dhanka xirafada shaqada kubada cagta la xiriira oo aysan aheyn saaxiibo caadi ah.

Labada ciyaaryahan ayaa mar walba loo soo bandhigaa inay yihiin labo nin oo uu xafiiltan ba’an ka dhaxeeyo marka ay timaado kooxaha ay u kala ciyaaraan iyo abaalmarinada ay ku tartamaan.

Laakiin inkastoo uu qirtay inuusan xiriir dhow kala dhaxeynin, Ronaldo ayaa sheegay inaysan jirin wax dhibaato ah oo dhextaala isaga iyo Messi.

“Lionel Messi waa ciyaaryahan weyn” ayuu Ronaldo u sheegay beIN sport. “Waxaan la leeyahay xiriir dhanka xirfada ah sida aan xiriirkaas oo kale u la leeyahay ciyaartoyda kale.

 

 

“Saaxiib lama ahi isaga sababtoo ah ma wadaagno qolka labiska. Waxaan u ixtiraamaa sida qof ay xirafad kala dhaxeyso. Ma nihi saaxiibo dhab ah, waxaan saaxiibo ku nahay kaliya ciyaarista kubada cagta. Ma Jiraan wax dhibaato ah oo ina dhexyaala labadeena.

“Waa arimo la abuuray, kaliya hadda ma ahan, shantii sanno ee ugu danbeysay sidaas ayay aheyd. Mana ahan wax aan koontarooli karo.”

Midkoodna Ronaldo ama Messi shabaqa ma uusan soo taaban kulamadii xalay ee kooxahooda.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM