Diego Milito: Carro Aan Qabnay Ayaa Sabab U Ahaa Guushii Aan Ka Gaarnay Juventus.
Diego Milito ayaa shaaca ka qaaday in carro ay ka qaadeen qalad garsooraha ee ciyaarta Juventus inay sabab u aheyd guushii ay Inter ku gaartay Juventus Stadium.
Nerazzurri ayaa 1-0 lagu hogaaminayay ka dib markii laga dhaliyay gool offside ahaa oo uu shabaqa ku hubsaday Arturo Vidal, halka Stephan Lichtsteiner uu ka badbaaday jaale labaad, laakiin ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-1 oo ay Inter ku badisay iyadoo labo gool uu dhaliyay Milito.
“Waxa ay aheyd ciyaar adag oo aan la ciyaareynay kooxda difaacaneysa horyaalka” ayuu Milito u sheegay Sky Sport Italia.
“Waxaan garoonka soo galnay anagoo hurdo ay inaga muuqato, islamarkiina gool ayaa la inagala dhaliyay, laakiin waan soo kacnay, waana u qalanay inaan badino.
“Waxaa dib ciyaarta ugu soo laabanay qeybtii labaad anagoo ka careysan goolkii offside-ka ahaa iyo dhacdadii Lichtsteiner, taasoo naga caawisay inaan qaab ciyaareed fantastik ah soo bandhigno.”
Inter ayaa haatan ku jirta kaalinta labaad, iyagoo hal dhibcood ka hooseeya kooxda hogaanka heysa ee Juventus, waxaana ay ku jiraan kulankoodii 9aad ee isku xiga oo ay badiyaan tartamada oo dhan.
“Waa inaan ku sii soocnaa wadadaan, inaan nolosha ku adkeyno Juve iyo kooxaha kale ee inaga soo horjeeda, ka dib waan arki doonaa halka la isla aado.”
Inter ayaa soo gabagabeysay xalay 49 kulan oo Juventus dhinaceeda dhulka la dhigin, halka ay noqdeen kooxdii ugu horeysay ee guul ku gaarta garoonka cusub ee Bianconeri.