afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
4:15 pm | Posted by

FA-ga Oo Soo Jeedinaya In La Duubo Hadalada Dhexmara Garsoorayaasha Iyo Ciyaartoyda.

Gudoomiyaha xiriirka kubada cagta Ingariiska David Bernstein ayaa doonaya in la dhaqan geliyo suurtalnimada in la duubo hadalada ay ku wada hadlaan garsoorayaasha iyo ciyaartoyda marka ay ciyaar socoto, ka dib arimaha ku hareereysan garsoore Mark Clattenburg.

Clattenburg ayaa lagu eedeeyay inuu ereyo aan habooneyn u isticmaalay ciyaaryahanka Chelsea John Obi Mikel intii ay socotay ciyaartii axada ee Manchester United, waana eedeyn la dareynsan yahay inuu beeninayo garsooraha.

Haatan, garsoore iyo cawiyayaashiisa iyo garsooraha afaraad waxa ay heystaan mikrafoono ay kuwada hadli karaan, laakiin waxa ay ku wadahadlaan lama duubo.

Bernstein oo diiday inuu si gaar ah uga hadlo arinta Clattenburg ayaa yiri: “Garsooraha waxa uu mikrafoon kula hadli karaa caawiyaayashiisa iyo garsooraha afaraad sidaasi darteed dhamaantood waa ay ka warqabaan waxa lagu wadahadlo, laakiin lama duubo.

“Si ay u dhacdo in la duubo, waa in xiriirka garsoorayaasha oo ay xukunto FA-ga, Premier League iyo Football League ay soo jeediyaan in sidaasi wax la yeelo.

“Markaas waxa ay u baahnaan doontaa in la horgeeyo FIFA iyo ururka wax ka bedela sharciyada kubada cagta ee IFAB si ay u ansixiyaan.”

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM