Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan laqaatay wufuud kasocday Dowladda Mareykanka (Daawo Sawirada)
Barqanimadii maanta ayaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Caade waxaa kulan laba geesood ah oo arima badan looga hadlay kuyeeshay madaxweynaha dowalda Federaalka Soomaaliya iyo wufuud kasocotay mareykanka.
Kulanka ayaa Madaxweyne Xassan Shiikh maxamuud waxa uu layeeshay haweeneey lagu magacaabo Wendy Sherman taa oo katirsan waaxaada siyaasada ee Mareykanka taas oo dalka usoo gaartay sida lasheegay sidii ay u xoojin laheyd siyaasadaa Mareykanka ee Soomaaliya.
Kulanka oo mudda kudhaw saacad socday ayaa waxaa madaxweynaha Soomaaliya oo saxaafada lahadlay uu sheegay in leeskula lafa guray qaabkii loosii anba qaadi lahaa xiriirka Soomaaliya iyo mareykanka.
Xassan Shiikh Maxamuud ayaa waxa uu sheegay in Wendy Sherman ay u sheegtay isaga in mareykanku uu taageero dhinacya badan lagarab taaganyahay dowlada Soomaaliya ee curdanka ah.
Wendy Sherman ayaa waxa ay tahay sarkalkii ugu sareeyay ee kasocda dowlada mareykanka ee taariikhda dhaw yimaada Soomaaliya.
Mareykanku waxa uu kamid yahay dowlada bixiya daqliga kubaxa ciidamada AMISOM ee dalka Soomaaliya.




|
|