DEG DEG Akhriso Magacyada Golaha Wasiirada Cusub ee xukuumada Dr Saacid oo magacyadooda
Qaban qaabadii u dambeysay magacaabista Golaha Wasiirada ayaa ka socota Xarunta Madaxtooyada, iyadoo si horu dhac loo helayo magacyada 10-ka wasiir ee la filayo inuu goor dhow ku dhawaaqo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon
Inkastoo goor dhow looga yeeray Wariyeyaasha hadana waxaa socda diyaar garow ballaaran oo loogu jiro Munaasabada ku dhawaaqista Golaha Wasiirada Soomaaliya.
Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka iyo marti sharaf kale ayaa ku qul qulaya hoolka shirarka oo ay ka dhici doonto Xaflada ku dhawaaqista Golaha Wasiirada, kaasoo in muddo ah laga sugayay Ra’iisul Wasaare Saacid.
Wariyeyaasha looga yeeray Xarunta ayaa soo sheegaya in wali aanay goobta soo gaarin Madaxda ugu sareysa dowladda.
Shabakada Jowhar.com ayaa heshay magacyada 10-Wasiir oo ay ku jireen labo haween, iyadoo ay dhici karto inay wax iska bedelaan
Wasiirada qaar ayaa isugu jira kuwo horay uga soo muuqday Xukuumadihii hore iyo kuwo cusub, waxaana Golaha Wasiirada uu yahay kii ugu tirada badnaa.
Madaxda ugu sareysa dowladda ayaa maalmahan ku madax adeegayay tirada ay jaangooyeen ee Golaha Wasiirada, taasoo ay ka imaaneysa cabasho badan oo xoog leh.
Hadaba magacyada Wasiirada ayaa waxay kala yihiin sidan:-
1-Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibada
2-C/llaahi Abyan Nuur Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha diinta iyo awqaafta
3-C/xakiin Xaaji Maxamuud Xaaji Fiqi Wasiirka Gaashaandhiga
4-C/xakiin Xuseen GuuleedWasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka
5-Maxamuud Xasan Suleymaan CawilWasiirka Maaliyada iyo Qorsheynta
6-C/llaahi Ciilmooge Xirsi Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Isgaarsiinta
7-C/risaaq Cumar Maxamed Wasiirka Wasaarada Kheyraadka
8-Muxiyadiin Maxamed Kaalmoy Howlaha guud iyo dib u dhiska
9- Maryan Qaasim Wasiirkii hormarinta adeega bulshada
10-Prof Axmed Maxamuud Wehliye Xiji Wasiirka Warshadaha
Magacyada iyo Wasaaradaha oo dhameystiran goor dhow kala soco Afbakayle.com
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Moqdisho/Somalia
Afbakaylenews@gmail.com