afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
7:15 pm | Posted by

Dardaarankii Aabahay Baan Fuliyay Murusade Maanta Waad U Jeedaan Qeylada Ka Yeerayso:M/Weyne Xasan Oo Hadal Cuqdadeeysan Ku Hadlay

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa kulan uu la qaabaty beeshiisa ku sheegay in uu maanta guul joogo mar hadii uu ka aarsaday in beesha Murusade oo waligood inta qaranka jiray wasiir aan waayni in aan maanta wasiirnimo dhigay isagoona sheegay in uu fuliyey dar darankii Aabahiiis ee ahaa in hadoow mar uun wax noqda uu wax siin beesha Mursade.

Shaqsi ku beel ah madaxweynaha hooyadiisana tahay Murusade shirkana joogay ayaa sheegay in uu aad uga carooday hadalka madaxweynaha isagoona si jees jeesah u yiri waan guuleystay hadaan reer Abtiyaashay ee Xawaadle wasiir kadhigay Mursade oo aan waligii wasiir weynina aan afka ciida u galiyey oo aan wasiir laan ka dhigay.

Hadalka Madaxweynaha oo u muuqatay mid cuqdadeysan ayaa waxuu noo sheegay shaqsii joogay in aad looga xumaaday hadalka madaxweynaha hadana rabo in uu soo nooleeyo boog muda hore la daaweeyey.

Labada beel ee Waceysle iyo Murusade ayaa muda u dhaxeysay xurguf soo jireen ah ee dhanka deegaanka waxaana xurguftasi moodaa in ay soo yaraneysay 20kii sano ee u danbeysay tan uu maanta sameeyay Madaxweeynahana ay dib u soo hurin doonto boog horey ay uga guuleysteen odayaasha labada beel in ay daweyaan

Beesha Mursade ayaa tan iyo inta Soomaliya xor tahay aan weynin wax wasiir ah marka laga reebo Dowlada xasan Sheikh Maxamuud oo isagu fulinaayey dardaarnka Aabahiis waxaase la arki doonaa masuul san qabiil u aminsan halka uu gaarsiin doono dowalda ka wada dhaxeysa qabiilada Soomaliyeed.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

3 Comments for “Dardaarankii Aabahay Baan Fuliyay Murusade Maanta Waad U Jeedaan Qeylada Ka Yeerayso:M/Weyne Xasan Oo Hadal Cuqdadeeysan Ku Hadlay”

  1. turxaanbixiye
    November 5, 2012 - 8:59 pm

    waad soo qortay waa arin laga wanagsan yahay sxb wasiirka mursadde waa u qalmaan lkiin adiga wax sheegeyso dadka aan waxbaranin u sheeg mid kale meeqo qabiil ayaa la siininina wasiirnimadda mid kale beenta waa xaaran mid qalinka wadatida ayaa qabiil igu adeegeysaa. mid kale mursaddde qabiilo ka weyna aan lasiyini sida shiiqaal iyo gugundhabe arintasi waa laga fiican yahay.

    Reply
  2. bootindheere
    November 11, 2012 - 8:53 am

    sxb wa yaab xasan sh wa nin jiran oo cuqdad qabo lkn ninka dhahay murusade ayaa sheeqaal ka waweyn walee been wad sheegtay adiga xataa magaca murusade aya ku dhibaa miyaa raga wa ragii 20 tan sano xoogada ku tashanaayya aad sheekhaal mskin ah la mid dhigee waa kugu hagartaa aqliga ha shaqeeyo

    Reply
  3. wacyigelin
    December 10, 2012 - 12:12 am

    Hadalkaan waa dacaayad rikhiis ah oo ay dad doonayaan inay isku debeeyaan qabaail Soomaaliyeed. Xasan Sh. uma sheegin qabiilkiisa hadalkaas waan been abuur dadka ka danbeeyana waa la garanayaa ee beenta aad faafinaysaan iska daaya.

    Reply

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM