afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
  • tacsi
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • tacsi
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
7:04 pm | Posted by

Maanta Fawziyo Beri Feysal:Kuli Xukun-Doon Baan Nahay Ee Somaliland Wax La Yiraahdo Ma Jiraan

Indhaha Caalamka gaar ahaan Soomaaliya waxaa muuqata in la arkey inaysan Soomaaliya kala fogaan karin, kalana go’i karin, Xamaasad walaba waxaa lagaarayaa gunteeda! Qof walba oo aan aaaminsaneyn Qaranimada Soomaaliweyn wuxuu aakhirka soo taabanayaa gunta iyo xaqiiqda ah in Soomaaliya ayntahay hal wadan oo qura.
Qaybo ka mid ah Soomaaliya waxaa shacabka maalin walba loo sheegaa been iyo quraafaad aan jirin oo ay ka mid yihiin halku dhagyada, “Waxaan nahay Jamuuriyad ku taal Geeska Afrika oo daris la ah Soomaaliya, Dhowaan waxaan heleynaa Ictiraaf Caalami ah,”.

Xaqiiqda Soomaaliweyn ka jirtaa waa mid ay ka wada simanyihiin, Siyaasiyiinta Soomaaliya dhamaantood waa wada xukun doon , lakiin Shaqsiba waduu u maraa Siduu ku gaari lahaa kursiga uu doonayo.

Siyaasiguna wuxuu kursigiisa ku gaaraa inuu been u sheego shacabka, Faysal Cali Waraabe, Siilaanyo iyo Fowsiyo Yuusuf Xaaj Aaden waxay ka sinaayeen qadiyada Somaliland, waxay ka siman yihiin hamiga Xukun jecelnimada, waxay ka siman yihiin iney Dad Soomaaliyeed been ay u sheegyaan ku gaaraan kursi, waxay ka siman yihiin iney iyaga shaqsi ahaan ay ogyihiin gunta iyo runta oo ah ineysan jirin Dowlad Soomaaliyeed oo aan ka ahayn Dowlada Federaalka Soomaaliya, Caasimaduna tahay Muqdisho.

Waxaan filayaa in Fowsiyo Yusuf Xaaji ay booqan doonto Magaaladey ka timid ee Hargeysa ahayd ka dibna ay shacbka u sheegi doonto meesha loo wada socdo iyo xaqiiqda.

Arimahaan aan kor kusoo sheegey waa mid ay xaqiiqdeeda hayaan beesha Caalamka ee shilinka inoo qaybisa

Xafiiska Shabakada Afbakayle.com

Nairobi/Kenya

Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM