Cabdiweli Gaas oo Eedeeyey Hogaanka Puntland
Waxaaa maanta shir-Jaraa’id ku qabtay hoyga uu ka daganyahay Magaalada Gaalkacyo Mudane Cabdiweli Maxamed Cali-Gaas oo ahaa Ra’iisul Wasaarihi hore ee Soomaaliya haddana ah Xubin kamid ah Xildhibaanada Federaalka Soomaaliya
Cabdiweli Gaas ayaa ilaa 19kii bishii la soo dhaafay safaro ku marayey qaybo kamid ah Gobolada Puntland isaagoo la soo kulmay qaybaha kala duwan ee Bulshadda Deegaanaddii uu tagay sida Galkacyo, Goldogob, Bursaalax, Xerro Jaale, Bayra, Riig-O-manne, Bacaadweyne, Xarfo, Burtinle, Jallam, Kala-Bayr, Garowe, Sunna-Jiif, Danqoronyo, Qardho, Carmo, Bosaaso, iyo qaarkale
Mudane Gaas ayaa dhammaan degaanadii uu tagay bulshada ku nool kawaraystay xaaladaha guud sida Amniga, caafimadka, waxbarashada, dhaqaalaha, Dimuqraadiyadda iwm isagoo mid-mid u tagay Isbitaalada, Jaamacadaha, dugsiyada H/dhexe, Sare, iyo xarumaha dadweynaha.
Professor Cabdiweli Gaas ayaa sido kale xog-waraysi siinayey dadweynaya iskugu soo baxayey kana qayb qaadanayey soo dhaweyntiisa isagoo istagayey tuulo-min-magaalo kasta una hoyanayey Magaaloyiinka waaweyn.
Professor Cabdiweli Gaas ayaa sido kale xog-waraysi siinayey dadweynaya iskugu soo baxayey kana qayb qaadanayey soo dhaweyntiisa isagoo istagayey tuulo-min-magaalo kasta una hoyanayey Magaaloyiinka waaweyn.
Shirkiisa Jaraa’id ayuu Mudane Gaas ku soo jeediyey
qodobo kamid ah waxyaalihii uu soo arkay iyo warbixintii ay siiyeen bulsho-weynta reer puntland ee uu kulamada la qaatay isagoo yiri;
1.Waxay bulshoweynta aan la kulmay ii sheegen anna aan hubsaday in ay jiraan dhibaatooyin siyaasadeed, dhaqaale, iyo arrimaha bulshada
1.Haddan ka hadlo arrimaha siyaasadda, waxay dadweynuhu ii sheegeen in ay jirto xoriyad la’aan iyo cadaadis aysan u suurtagalin in ay si xor ah ku cabiraan fikirkooda siyaasadeed iyo kooda muwadinimo. Waxay dimmuqradiyadu na faraysaa in qofka muwaadinka ah xaq u leeyahay in uu si xor ah u hadli karo, una kulmikaraan, si ay u gutaan xuquuqdooda iyo waajibaadkooda dastuuriga ah. Hase yeeshe, waxay ii sheegen in aysan maanta taas ka jirin Puntland. Saxaafada xortaahina aysan cabsi awgeed uga howlgali karin Puntland aysanna gudbin Karin xaaladda dhabta ah ee ka jirta Puntland.
1.Waxay ii sheegen in marar badan ay isku-dayeen in ay samaystaan qadooyin iyo fadhiyo ay kaga tashanayaan aayahooda balse ay cadaadis iyo caburin kala kulmeen maamulka Puntland.
1.Waxay kaloo ii sheegen inkasto ay muhiimtahay in laga qudbo nidaamka qabaliga ah loona gudbo nidaamka dimmuqraadiga ah ee xisbiyada badan, haddana in aysan kalsooni ku qabin in xukuumadda jirtaahi ay arrintaasi daacadna ka tahay fulinna karto.
1.Waxay kaloo ii sheegen in Gobolladii kumidoobay dhisitaanka Puntland 1998kii ay qaar kamid-ihi aysan gacanta ugu jirin maamulka, qaarkoodna ay samaysteen maamulo u gaar-ah. Waxay kala-furashaadaas Puntland sabab uga dhigayeen maamul xumo iyo aragti la’aanta hogaanka sare ee Puntland.
1.Waxay kaloo bulshoweyntaasi katirsanayeen maamulka caddalad daro iyo u sinnaansho la’aan khayraadka Puntland.