Qarax Kadhacay Saaka Xaafada Islii Ee Nairobi ayaa 3 qof oo ku dhaawacantay
Saddex qof ayaa ugu yaraan ku dhaawacantay qarax saaka ka dhacay waddada koowaad ee xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.
Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa in qaraxa 7-dii aroornimo uu ka dhacay meel u dhow buundo ay dadku aad u isticmaalaan, xilli dadka ay shaqooyin u kallahayeen.
Madaxa booliska Nairobi Moses Ombati ayaa u sheegay wargayska Standard inay baaryahaan waxa dhaliyay qaraxa, iyadoo warar horudhac ah oo laga helay ciidamada jooga halka ay wax ka dhaceen ay xaqiijinayaan in qaraxa uu ka dhashay Aalad Qaraxda oo la sii diyaariyay.
Booliska ayaa isku gadaamay aagga uu qaraxa ka dha
cay, gaar ahaan waddooyinka ka baxa Joogoo ee gala qaybaha xaafadda Islii, waxaana laga xannibay socodka dadka iyo gaadiidka.
Afar qarax ayaa sanadkan ka dhacday xaafadda Islii.
Saddex askari oo uu ku jiro taliyaha saldhigga booliska Bangani, Boniface Musyoka ayaa ku dhaawacantay laba qarax oo bishii October ka dhacay xaafadda Islii, gaar ahaan xaafadda Jujaroad.
Dabayaaqadii bishii September, qarax kale ayaa ka dhacay kaniisadda St. Polycarp ACK ee ku taalla waddada Juja-Raod ee xaafadda Islii, waxaana ku dhintay hal cunug, shan kalena waaa ay ku dhaawacantay.
Bishii August qarax uu hal ruux ku dhintay ayaa ka dhacay meel u dhow garoonka ciidamada cirka Kenya ee Moi oo ku yaalla xaafadda Islii.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Nairobi/Kenya
Afbakaylenews@gmail.com