SOMTEL oo martay wadadii ay horay u martay Dahabshiil ee ka qeyb qaadashada dagaallada SNM iyo Khaatumo
Shirkada Isgaarsiinta ee laga leeyahay Soomaaliland SOMTEL ayaa waxaa soo ay bandhigtay dhibaato xoog leh oo ku haysa shacabka deeganada Khaatumo gaar ahaan deegaanada dhanka woqooyi xiga halkaasi oo ay marba si ula dhaqanto dadka deegaankaasi, iyo cillado dhanka isgaarsiinta ah.
SOMTEL oo ah shirkad uu leeyahay Mulkiilaha Dahabshiil ayaa waxaa ay noqotey mid dhib iyo cunqabateyn ku haysa dadka deegaanka sida aan ku helayno wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya deegaankaasi, Arintaani ayaa soo ifbaxday kadib dagaal ka dhacay Xudun.
Waxaa la soo sheegayaa in ay shirkadaasi hawada ka maqneyd maalintii uu dagaalku ka dhacay degmada Xudun, halkaasi oo uu dagaal ku dhexmaray Malayshiyada SNM iyo weliba dadka deegaanka oo ay dagaal kharaar ku soo qaadeen.
Docda kale shirkada SOMTEL ayaa waxaa ay hawadda ka baxdaa markasta oo ay howgal fulinayaan ciimada Soomaaliland, Waxaana halkaasi ka cadaatey in ay si toos ah ula shaqeyno Maamulka SNM, isla markaasna ay sidii Dowlad kale oo cunaqabayn ah ula dhaqanto dadka deegaanka.
Waxaa horay loo wadda ogaa in shirkada Dahabshiil ay qeyb weyn ka qaadatey dagaaladii ka dhacay duleedka Buuhoodle ee Gobolka Cayn, waxaana Arintaani ay tahay dagaal cusub oo ay shirkada SOMTEL ku soo qaaday dadka deegaanka Khaatumo, Arintaan ayaa ah mid aan ka fursaneyn in laga hortago.
Haddaba maxaa la gudboon qurbajoogta iyo dadka gudaha ee Khaatumo?
Dadka reer Khaatumo ee Qurbaha jira waa kuwo inta badan la socda waxaa ka dhacaya deegaankooda, waxaana aan wadda ogsoonahay in ay si wanaagsan uga dhiidhiyeen Arintii ay shirkada Dahabshiil kula kacday dadka reer Kalshaale markii qeyb lixaad leh ka qaadatey dagaaladii ka dhacay halkaasi.
Haatan ayaa waxaa mar kale dagaal soo qaadey shirkad ay leeyihiin Beesha Isaaq ee Soomaaliland, waana mid la mid ah dagaalkii ay Dahabashiil ku soo qaaday deegaanka oo ay markaasi ku bixisey hub iyo qalab kala Gedisan, waana Arin u baahan in ay ka fiirsadaan reer khaatumo ay taalabo cad ka qaadaan.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Laascaanod
Fuaad Karaama
Afbakaylenews@gmail.com