War Deg Deg Ah Afaafka Dakada Magaalada Muqdisho oo goordhaw lagu kala Cararay iyo AMISOM oo gaartay Goobtaasi
Wararka naga soo gaarayo afaafka hore ee Dakada Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhaw halkaasi lagu kala cararay kadib markii lagu arkay gaari looga shakisanyahay in walxaha qarxa saaranyihiin oo goobtaasi yaala.
Goob jooge kusugan agagaarka Dakada Magaalada Muqdisho ayaa Allbanaadir.com u sheegay in gaariga laga shakisanyahay uu yahay nuuca Raaxada oo in mudo ah halkaasi yaalay hadana goobta dhamaan dadki ka agdhawaa ay ka kala carareen kadib markii ay ka shakiyeen.
Waxaa goobta xiray Ciidamada Dowlada Soomaaliya kuwaa oo dadka iyo gaadiidka ka celinaya halka uu yaalo gaariga laga shakisanyahay in ay ka buuxaan Waxyaabaha qarxa inkastoo aan si rasmi ah wali loo xaqiijin.
Ciidamo katirsan AMISOM ayaa goordhaw gaaray halka gaarigu yaalo kuwaa oo doonaya in baaritaan kusameeyaan gaarigaasi shakiga looga qabo in ay saaranyihiin waxyaabaha Qarxa sababayna in lagu kala cararo halkaasi.
Marar hore qeybo kamid ah Muqdisho waxaa dhacday in gawaari looga shakisanyahay in walxaha Qarxa ka buuxaan looga kala cararay goobo lasoo dhigay balse baaritaano kadib gawaaridaasi noqdeen kuwa shacab oo meesha looga tagtay qaraxna aysan saarneen taa oo muujineysa dareenka iyo Cabsida ay Shacabka ka qabaan Qaraxyada inta badan Al-Shabaab Magaalada ka geestaan.