C/raxman Faroole Oo Maleeshiyaadkii Ugu Badnaa Dhoobay Magaalooyinka Gaalkacyo Iyo Boosaaso
Wararka haatan naga soo gaaraya Magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo ayaa sheegaya in Maleeshiyo badan la dhoobay magaalooyinkaas.
Maleeshiyadan oo ah kuw ka amar qaata C/raxman Faroole ayaa si gaar ah loo geeyay goobo cayiman oo kuyaal Gaalkacyo iyo Boosaas.
Warar aynu ka helnay Boosaaso ayaa sheegaya in goobaha Maleeshiyada la geeyay ay kamid yihiin Dekadda Magaaladda, Airpor-ka iyo kontoroolada laga soo galo magaaladda.
Magaaladdaas ayaa waxaa gaaray Puntland C/Raxmaan Faroole kaas oo haatan kulamo la leh dad ka amar qaata isaga iyo Madaxda Maleeshiyaadka ee u jooga Gobolka Bari.
Dhanka kale Magaaladda Gaalkacyo ayaa waxaa lasoo dhoobay Maleeshiyaad badan iyadoona Maleeshiyadan lagu arkayo garoonka diyaaradaha iyo xarumaha dowlada.
Sidoo kale jidadka soo gala magaaladda iyo kuwa ka baxa ayaa lagu arkayaa Maleeshiyadan oo aad uhubaysan isla markaana dadka meelaha qaar ka celinaya.
Magaaladaas waxaa kusugan Ra’aisul Wasaarihii hore ee dalka Dr C/Wali Maxamed Cali Gaas kaas oo la rumaysan yahay inuu khilaaf kala dhaxeeyo C/Raxmaan Faroole.