afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
7:47 am | Posted by

Qaar Kamid ah Saxaafiyiinta Ka hawlgala Gudaha Laascaanood Oo Loogu Hanjabay In la dilayo haday kabaxaan Laascaanood

Wararka aan ka helayno magaalada laascaanood ayaa sheegay in hanjabaado iyo handadaado ay kala kulmeen wariyayaasha ka soo jeeda deegaanada khaatumo ee kusugan magaaladaas iyagoona lagu yiri kama bixi kartaan magaalada gudaheeda,Wariyihii isu daya inuu Ka baxo Gudaha laascaanood uu la kulmayo Xadhig iyo jirdil.
Hanjabahaadahan ayaa ka soo baxay maleeshiyaadka iyo horgalada SNM-Ta ee ku sugan magaalada laascaanod kuwaas oo magaalada gudaheeda ku dilay wariye ahmed saakin aygoona intii hada joogtayna u hanjabay saxaafada khaatumo waxaa lagu hayaa weerar iyo bara kicin balaadhan.
Wariyayaasha reer khaatumo waxaa y fariin buuxda u dirayaan hay adaha u dooda xuquuqda bili aadamka iyoo sidoo kale haayada wariyayaasha ee loo yaqaan CBJ ee fadhigeedu yahay nairobi in ay fiiro gaar ah ku eegto wariyayaasha ka hawl gala gudaha deegaanada khaatumo ee xasuuqa ku hayaan maleeshiyaadka jooga magaalada laascaanod.
Ayagoona sheegay in ay la soo daristay cabsi ay u baqayaan naftooda kadib markii qaar loo taxaabay xabsiyada qaarna jirdil loogu gaystay magaalada gudaheeda kuwana laguba dilay oo ay ku waayeen fantoodii.
Dhawaantan ayay Ahyd Markii Gudaha Magaalada Laascaanood lagu dilay alle ha u naxariistee Wariye Axmed Saakin Faarax,Dilkaas Oo loo badinayo ama ba lagu tuhmayo inay ka dambeeyaan Qaarkamid ah Horfgalada Maamulka Siilaanyo ee kusugan Gudaha Laascaanood.

Xafiiska Shabakada Afbakayle.com

Laascaanood/Sool

Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM