Seeful-Islaam oo 48-saac u qabtay Gaas inuu Gaalkacyo uga baxo iyo Shacabka Puntland oo la yaabsan dhaqan-xumadda Caruurta Faroole
Wiilka baarqabka ah ee Madaxweynaha Puntland ee Shacabkamedia u yaqaaniin (Maxamed Seeful-Islaam)ahna ninka loogu neceb-yahay Puntland ayaa amar ku bixiyay in Xildhibaan C/weli Gaas uu 48-saacadood gudahood uga baxo Magaaladda Gaalkacyo,hadii kale uu la kulmi-doono cawaaqib-xumo uu ka sheekeeyo taariikhdiisa.
Maxamed-Seeful-Islaam oo isagu ah curadka Madaxweyne Faroole ayaa lagu xantaa inuu yahay Madaxweynaha rasmiga ah ee Puntland,halka Faroole uu yahay Madaxweyne magac-u-yaal ah sidii Qadaafigii Liibiiya oo maamulka uu gacanta ku-hayey wiilkiisii curadka ahaa ee Seeful-Islaam.
Hanjabaada ka soo yeertay wiilka Faroole ee Maxamed-Seeful-Islaam ayaan la dhayalsan-karin,isagoo horey Puntland uga masaafuriyay siyaasiin iyo ganacsato doorbiday intii ehelka isku dhiman-lahaa inay iyaga ka haajiraan Puntland,waana nasiib-darro in Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole uusan waxba ka qaban dhibaatada uu wiilkiisa Maxamed Seeful-Islaam u geysanayo siyaasiinta iyo Ganacstada Puntland.
Dhinaca kale Suldaanka Ciise-Maxamuud Suldaan Garaase oo marar badan isku dayey inuu Madaxweynaha Puntland kula taliyo in wiilkiisa uu si hoose ula hadlo kana waaniyo inuu joojiyo dhibka uu ku hayo siyaasiinta iyo ganacsatada Puntland,balse Suldaanka markii la maqli-waayay hadalkiisa wuxuu qudhiisa go’aansaday inuu magaaladda Garoowe isaga haajiro isagoo degay Tuulo u dhaw.
Wiilkii curadka Qadaafi ee Seeful-Islaam ee dadkiisa dhibi-jiray oo isagoo duleysan farahiina laga jaray u gacan-galay Shacabka Liibiya oo maanta ka xoreebay dhibaatadii iyo kibirkii Seeful-Islaam)
Waxaa xusid mudan in Puntland iyo xukunka Reer Faroole lakala-saaro,waayo Puntland hadda waxay mareysaa heer ay dadka qaarkiis aaminaan in jiritaanka Puntland iyo Reer-Faroole inay qiimo-weyn-tahay jiritaanka Reer Faroole,waxaana kula talinaynaa Faroole iyo Caruurtiisa inay dadka taladda wax ka siiyaan,hadii kale ay u diyaar-garoobaan halkii ay mareen Qadaafi iyo caruurtiisa oo maanta laga dhigay,qaar la dilay,qaar cararay,iyadoo xabsi la dhigay Wiilkii Shacabka Liibiya ay dartiis ay hubka u qaateen ee Seeful-Islaam,waxaana wanaagsan Madaxweynaha inuu caruurtiisa ka ilaaliyo Madaxtooyadda ay iska maamulanayaan iyo dadka ay magaciisa ugu hanjabayaan,waayo 4-sanno ayaa la marayaa dadka waa ka daaleen caga-jugleyn
xigasho
Shacabkamedia