afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
9:57 am | Posted by

War Dag Dag Ah:-Xoghayihii madaxweynihii Hore ee Puntland Oo Bosaso Lagu Xiray

Waxaa maanta magaalada Bosaso lagu xirey Faarax Cabdullaahi Cumar Gardan oo ahaan jirey xoghayntii gaarka ahayd ee Madaxweynihii hore ee Puntland Gen.Cadde Muuse.
Faarax Cabdullaahi ayaa isaga oo ku sugan xafiiskiisa magaalada Bosaso waxaa u yimid afar gaari oo Tikniko ah oo ay iska leeyihiin ciidamada Saracen, waxaa xafiiska ku sugnaa Faarax Cabdullaahi Cumar Gardan iyo laba nin oo kale oo odoyaal ah, waxaana ciidanku ku amreen in Faarax soo fuulo mid ka mid ah gawaaridii gaashaanaa, isla markaana loo sheegay in uu xiran yahay. Waxaa xusid mudan in ciidanka Saracen uu la socdey taliyaha Qaybta Gobolka Bari Afdalow, taas oo muujineysa in shaqadii ciidanka Booliska loo wareejiyey ciidanka SARACEN, kuwaas oo aan haysan wax oggolaansho ah ee baarlamaanka Puntland marna aan la horgeyn mudadii sharciyadda baarlamaanku shaqeyneysey.

Lama oga halka lala aadey Faarax Cabdullaahi oo ahaa nin ganacsade ah, isla markaana la soo shaqeeyey dawladdii hore ee Puntland.

Arintan ayaa imaaneysa iyada oo xaladda Puntland ay sii cakirmeyso, waxaana dadwladdu adeegsanaysaa ciidankii Saracen ee la sheegay in ay la dagaalamayaan burcadbadeed, taas oo marar badan lagu eedeeyey in uu yahay ciidamo gaar ah “Private Army” kuwaas oo hadda ka qaybqaadanaya caburinta iyo xariga socda.

Waxaa socda dhaq-dhaqaaq ay wadaan ehelada Faarax isla markaana ay ku ogaanayaan sababta loo xirey iyo halka uu hadda ku sugan yahay.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM