XUURAANSI:- Madaxweyne Xasan sheikh oo wel wel deris la noqdey, xili Muqdisho lagu arkay xilibaano hor leh oo isbahaysi bilaabay.DHAGAYSO
Madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud ayaa mar kale dadaal dheeru gelaya in uu ka hortago duufaan ku soo socota, kadib is bahaysi xoog leh oo ka bilowday gudaha caasimada Soomaaliya kaasi oo ay wadaan inta badan xilibaanada Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.
DHEGEYSO
Kulamo kala duwan oo ka dhacay hoteelo ku yaala Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu arkay xilibaano caan ah oo dhexmaraya isla markaasna kulamo kala duwan ku leh, si ay uga horyimaadan Golaha wasiirada Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya, kuwaasi oo dhowaan la soo magcaabay.
Mudanayasha ka soo jeeda Beesha Dir gaar ahaan reerka la yiraahdo Isaaq ayaa dhamaan xilibaanadooda waxaa ay ka soo horjeedaan magcaabista haweeneyda laga dhigey wasiirka Arimaha debeda ee la yiraahdo Marwo Fowsiyo Xaaji Aadan, waxaana ay go,aan ku gaareen in ay codka kala laabtaan.
Docda kale xilibaano ka soo jeeda Beelaha Sool iyo Sanaag ayaa iyana waxaa ay wadaan olole kale oo ay codka kala noqonayaan Golaha Wasiirada cusub ee Dowlada Soomaaliya iyadoo ay jirto tabasho dhinacyo badan leh oo ay ku jirto Arinta wasiirka Arimaha debeda oo laga dhigey Marwo Fowsiyo Xaaji.
Madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud ayaa mar kale waxaa la soo dersay wel wel xoog leh maadama uu lag weyn ku lahaa soo magcaabista Golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya, Arinta ayaa u eg mid faraha ka sii baxaysa tan iyo markii gudaha Muqdisho lagu arkay Xilibaanada oo bilaabay isbahaysi looga soo horjeedo wasiirada.
Gudoomiyaha Baarlamanka dalka waxaa uu go,aamiyey in wasiirada la horkeeno Baarlamanka ka hor inta aan la gaarin 17-Nov, oo aynu ku jirno, balse Madaxweyne xasan sheikh iyo ra,isal wasaare Shirdoon waxay noqonaysaa in ay gaalan dadaal dheer oo ay Baarlamanka kaga dhaadhicinayaan in ay soo ansixiyaan wasiirada cusub.
Lama oga xaqiiqda rasmiga ah sida ah noqon doonto, balse cabsida weyn ee ah in aan wasiirada la ansixin oo caqabad ku noqon doonta Dowlada ayaa ah mid la wadda dareemay, waxaana jira cuqaal kala gedisan oo mar horeba dalbaday in aan la hor istaagin Golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya.
