afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
12:52 pm | Posted by

Ambassador Cali Ameeriko Ma Safiir Soomaaliyeed Baa Mise Waa Safiir Qabiil(Daawo+Akhriso Xog Culus)

Safiirka Dawladda Soomaaliya u fadhiya Magaaladda Nairobi Ambassador Cali Ameeriko oo maanta kulan qarsoodi ah Ganacsato Beeshiisa u badan kula yeeshay Safaaradda Soomaalidda ee Kenya ayaa ka codsaday inay ka qeyb-qaataan sidii magaaladda Kismaayo looga xoreyn-lahaa ciidamadda Kenya oo uu Safiirku sheegay inay yihiin calooshood u shaqeystayaal u adeegaya danaha Beelo qaas ah oo doonaya inay dhistaan maamul la magac-baxay Jubboland.

Hadalkan ayaa loo fasirsay inuu Cali Ameeriko u dan-leeyahay Beelaha Daarood iyo Meheri Ismaaciil oo shir ay maalmahan Nairobi ay ku lahaayeen uga arinsanayeen sidii loo yagleeli-lahaa Maamul ay ku mideysan-yihiin dhamaan Beelaha dega Jubooyinka iyo Kismaayo.

Ninkan ayaa weli afkiisa laga maqal ciidamadda itoobiya ee Baydhabo ku-sugan isagoo ka hadlaya ama kuwo Ugaandha iyo Burundi ee Magaaladda Muqdisho ku-sugan isagoo eedeynaya,waxaana la yaab leh inuu yiraahdo dagaal hubeysan halagala hortago Ciidamadda Kenya,waxaana arintan la filayaa inay ka caroodaan Dawladda uu martida u yahay iyo Dadka deegaanka Jubooyinka iyo Gedo ee Kenya ku dhaqan.

Ambassador Cali ameeriko ayaa Ganacsatada uu kula shiray Safaaradada ku wargeliyay inay dhaqaalo ku bixiyaan sidii Ciidamadda Kenya looga xoreyn-lahaa Magaaladda Kismaayo,waxaana hadalka ka soo yeeray ninkan ku waashay maalmahan Magaaaladda Kismaayo ka carooday dadka Deegaanka Jubooyinka iyo Gedo oo Safiirka u arka inuu faraha la galay hawlo aan quseyn si xuna u isticmaalo magacii Safiirnimadda,maadaama uu iclaamiyay dagaal ka dhan ah ciidamadda Kenya.

Dawladda Kenya ayaa indhaha ku-heyso dhaq-dhaqaaqyadda ka socdo Safaaradda Soomaalidda ee Nairobi oo hadda noqotay goob ay ku shiraan qolooyin ka soo horjeeda hawlgaladda Ciidamadda Kenya ee Jubooyinka,waxaana la filayaa hadii Kenya u aragto in Ambassador Ameeriko uu qatar gelinayo nolosha Askartooda inay talaabo sharci ah ka qaadi-doonaan.

Riix Halkan si aad Udaawato Hadalka Ali Ameriko

Xafiiska Shabakada Afbakayle.com

Nairobi/Kenya

Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

1 Comment for “Ambassador Cali Ameeriko Ma Safiir Soomaaliyeed Baa Mise Waa Safiir Qabiil(Daawo+Akhriso Xog Culus)”

  1. muna
    November 8, 2012 - 10:18 pm

    his useless stupid shameless hawiye men en its time we as somali people realise that we cant call him a ambassador someone like him en its also time our goverment remove him from the embassy period kismaayo maxa kagalay o ogajira??? dagaal iyo qabiil sow wixi 22yrs somaaliya dhibatadan aragnay geliyay mahan markuleyahay hala dagalamo warwaxan wa waxan awoowgod iyo abkod midna talino weligod lotalin jiray siad bare allaha unaxariste aya inta dad moday umada kuso darayo sida dharka loxirtana baray kenya shaqo iney kaqabato oweliba jail dhigto waye he deserves wlhi how can he talk like that kismaayo DAAROOD ISMAIL aya iskaleh ayagana mamul usamaysan hawiye iyo hebel amerikana meley usomaran malahan keep youre mouth shut en do youre job hadad yeliwaydayna dameerki iyo dhuxushi aya kuyaqana dheh

    Reply

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM