Faroole Oo Ciidamo u joogay Tukaraq Galabta Kala Baxay (Maxay Tahay Sababtu)
Ciidankii maamulka Puntland ee ku sugnaa deegaanka Tukaraq, ayaa xalay ka guuray magaalada Tukaraq.
Ciidamadan ayaa la sheegay inay u gureen dhinaca magaalada Garoowe oo ay hore uga yimaadeen shirqoolkii Somaliland iyo Puntland ay weerarka kusoo qaadeen Tukaraq.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Faroole ciidanka u raray dhanka Magaalada Bosaaso oo culays dhanka siyaasadda ahi ka haysto maamulkiisa gabaabsiga ah.
Magaalada Tukaraq waxaa la sheegay inay ku hadheen oo hadda joogaan maleeshiyo u dhalatay deegaanka oo ka amar qaadata maamulka Puntland.
Maamulka Faroole oo xilligiisu ku egyahay bisha January 2013, ee sanadka cusub ayaa wada olole ay mudada ku dheeraysanyaan, talaabadan oo shacabka Puntland badankiisu ka horyimid.
Ma jiro wax wara oo kasoo baxay maamulka Faroole oo ku saabsan ciidankan xalay laga raray Tukaraq.
Somaliland ayaa loo hayey haddana loo baneeyey
Tuhun iyo wax tabasho dunida way la kowsadeen. Dhulbahante ruuxii,kooxdii ama jifadii wax tuhunta ama wax tabata ma aha inay xal ka dhigato in loo adeegsado Dhulbahante oo ay ku kadsoonto cid aan kala jeclayn iyada iyo cidda ay tuhunka ka qabto ama ay wax ka tabanayso. Qabsiga Xuddun wuxuu tijaabo iyo imtixaan u yahay midnimada iyo isu hiilinta Dhulbahante. Meel hoo rabta hadal wax kama taro aan gurmad maal iyo naf ah la gaadhno meeshii Cadow shisheeye damac ku soo qaado,wixii dhexdeenna ahna aan gudaheena ku xallino.