Daawo+Sawiro:-Mid kamid ah Dibad baxyadii ugu Balaarnaa oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho
Waxaa Maanta Garoonka Kubada Cagta ee Koonis ee Magaalada Muqdisho ka dhacay Dibad bax aad u balaaran oo lagu taageerayay Xukuumada Cusub uu horkacayo R/Wasaare Cabdi Faarx Sheyrdoon (Saacid)
Dibad baxan oo ahaa mid aad u balaarnaa ayna kasoo qeybgaleen Boqolaal qof ayaa waxa ay dareenkooda ku muujinayeen taageerada ay u hayaan Xukuumada Cusub ee ka kooban Wasiirada Kooban iyo sidii ay Baarlamanaka u siin lahaayeen codka kalsoonida.
Dadkii dibad baxa kasoo qeyb galay ayaa watay boorar ay ku tagaeerayeen Xukuumada Cusub ee R/Wasaare Saacid iyo sida ay usoo dhaweenayaan Wasiirada uu dhawaan soo dhisay R/Wasaaraha.
Dibad baxa Maanta ka dhacay Koonis waxaa ka qeyb galay kana hadlay Madax katirsan Dowlada uu kamid ahaa R/Wasaare Cabdi Faarax Sheyrdoon (Saacid) waxaa sidoo kale dibad baxa goob joog ka ahaa Qaar kamid ah Golaha Wasiirada aan wali helin kalsoonida Shacabka.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud AXmed Nuur (Tarsan) oo ka hadlay Dibad baxa ayaa Baarlamaanka Soomaaliya ugu baaqay in ay tixgaliyaan dareenka Dhacabka Maanta isku soo baxay ayna codka kalsoonida siiyaan Xukuumada Cusub.
Waxaa gabo gabadii Dibad baxa ka hadlay R/Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Sheyrdoon (Saacid) oo aad ugu mahadceliyay dadkii kasoo qeyb galay Dibadbaxa lagu taageerayay Xukuumada cusub isagooan sheegay in Xukuumadiisa ahaan doonto mid tayo leh oo dalka wax badan ka qabata maanta maalinteedana hadii rabi qadaro isbadalkaasi la arki doono.
R/Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, waxa uu nu sheegay shacabkii uu la hadlayay ay ka go’antahay in ay ka qaadaan Soomaaliya halka ay taallo, isla markaana ay akhristeen dareenka ummadda Soomaaliya sidoo kalana dhageestaan , rajo wanaagsanna uu ka qabo samatabixinta dalka sanadaha soo socda.
Waa dibad bixii ugu balaarnaa ee ka dhaca Magaalada Muqdisho tan iyo markii lasoo dhisay Dowlada Cusub iyadoona Banaabaxii maanta si gaar ah loogu taageerayay Xukuumada R/Wasaare Cabdi Farax Sheyrdoon (Saacid)









