afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
  • tacsi
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • tacsi
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
5:46 pm | Posted by

Alla Maxaa Kismayo Na Keenay:Suxufiyiin Ku Xaniban Garoonka Magaalada Kadib Markii Dayuuradii Keentay Loo Diiday Inay Garoonka Ka Soo Degto

Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku xaniban 10-Suxufiyiin oo Dawladda Soomaaliya Magaaladda muqdisho diyaarad ka soo saartay,kuwaas oo loogu tala-galay inay baahiyaan booqashadda Wefdigii Dawladda u soo dirtay Kismaayo oo Diyaaradii waday loo diiday inay kasoo degaan Garoonka ,maadaama Maamulka magaaladda aan lala socodsiin Wefdigan Muqdisho laga soo diray ee General indhacadde iyo General-Goobaale hogaaminayeen,waxayna Suxufiyiintan aan la socon xaaladaha ka jira Magaaladda Kismaayo oo Garoonka gudihiisa 24-saacadood ku xaniban ku calaalayaan (Alla Maxaa Kismayo na keenay)

Ciidamadda Garoonka ku sugan iyo kuwa Kenya ayaa Wefdiga ku wargeliyay inaysan amnigooda sugi-karin,maadaama Rag dembiyo culus ka galay Dadka Kismaayo ay Dawladda usoo wakiilatay inay soo indha-indhooyeen magaaladda lana socdaan dhuxusha magaalada laga dhoofinayo iyo in la hakiyo Maamul Gobobleedka Jubbaland ee dhawaan dadka deegaanka ay dhisanaayaan.

Wariyaashan Diyaaradii waday ka soo tagtay ayaa isugu jira ajaanib iyo Soomaali doonayay in ay wax ka ogaadaan xaalada magaalada lana socday wafdi Amisom iyo QM iyo dowlada Soomaaliya metelayey oo laga celiyay in ay gudaha ugalaan Magaaladda Kismaayo.

Sida ay Wararka naga soo gaarayaan Wariyayaashaan ayaa waxaa ku jira Wariyayaal u shaqeeya Taleefishanada Al-Jazeera English-ka iyo Carabiga, Universal-Tv,Somali Chanel, HCTV, Rooyal TV

Isgaarsiinta magaalada ayaa ayaa wali hawada ka maqan , waxaana soconaya kulamo xasaasi ah oo ay leeyihiin Saraakiisha dowlada, Raaskambooni iyo taliska ciidamada Kenya ee magaalada kusugan oo ka carooday Wefdiga duulaanka ahaa ee General indha-cadde iyo General-Goobaale ay hogaaminayeen,inkastoo hadda Dayuuradii waday Mooryantan dib loogu celiyay Magaaladda Muqdisho

Xafiiska Shabakada Afbakayle.com

Kismaayo/Nairobi

Afbakaylenews@gmail.com

 

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM