afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
11:40 am | Posted by ducaale

Cristiano Ronaldo “dadka oo dhan Codkaada waxaa ay siinayaan Messi Aniga ma ooy doono

Wiilka Cajiibka ee lala babac dhigo Ciyaaryahanka Aduunka ugu wanaagsan ee Lionel Messi Cristiano Ronaldo ayaa ku hadlay war yaaab lahaa oo dad badana ka yaabiyay.

Ronaldo ayaa Sheegay mararka qaar inuusan jeclayn inuu Noqdo Qof caanka ah dunida hasa ahatee waxaa uusan meesha ka saarin in Taageerada ay qayb ka tahay Shaqada aad qabato inaad ku guulaysato.

Warka Yaabka lahaa waxaa uu ahaa Ronaldo oo kaftamaya ayaa waxaa la dhex geliyay su’aal ah waxa uu ka filayo Abaalmarinta Ballon D’Or Sanadkan ayaa waxaa uu ku jawaabay inuu u malaynayo in dadka oo dhan codkooda ay siinayaan Leonal Messi maxaa yeelay buu yiri aniga dadka Ima jecla .

Hadii taas ay dhacdo oo Messi uu ka guulaysto waxaa uu tilmaamay inuusan ka ooyi doonin arintaas Sidaas waxaa uu u sheegay CNN World Sport.

Ronaldo ayaa hal mar qaaday Abaalmarintan sanadkii 2008 laakiin Ninka ay xifiltamaan waxaa uu ku guulaystay Sadax jeer tii afaraadna hada ayuu doonayaa.

Ugu dambayn waxaa uu yiri Ronaldo hadii aan ka hadlo wax ku saabsan Aniga iyo Messi boorso xitaa waa ay ka badan lahayd,balse waxaan idin sheegayaa ayuu yiri ma dhihi karo aniga u qalma in laysiiyo Ballon D’Or hasa ahaatee waxaa sheegayaa ayuu yiri in boos fiican uu haysto.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM