afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
  • tacsi
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • tacsi
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
11:26 am | Posted by

Daawo Sawiro:-Wafdi Caalamiya Oo Booqatay Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Buuhoodle Kuna Baaqay In La Taageero Dhamaystirka Garoonka

Wufuud heer caalami ah isla mar ahaan taana ay hogaaminayaan Garaad C/laahi Garaad Soofe iyo Suldaan Siciid Cismaan Cali kana kooban qurba joog, culumo awdiin, waxgarad, ururada bulshada, iyo waliba bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa maanta booqasho ku tagay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Buuhoodle oo haatan isagu ah mid qabyaa, iyagoona isimadu ugu baaqay qurba joogta Deegaanada Sool, Sanaag, iyo Cayn in ay ka qayb qaataan dhamaystirka garoonka diyaaradaha ee Magaalada Buuhoodle.

Isla booqashadani intii ay ku jireen wufuudani ayaa waxa ay koormeer indho idhayn ah kusoo mareen qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay garoonku, iyagoona halkaasi ay kasoo jeediyey erayo isugu jira dar daaran iyo mahad naq waxaana halkaasi ka hadlay qaar kamid ah hawl wadeenada garoonka diyaaradaha ee Magaalada Buuhoodle kuwaas oo dhamaantood ku qoto dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray garoonku iyo waliba waxa haatan ka dhiman ee loo baahan yahay in lagu kordhiye.

Sidoo kale waxaa iyana halkaasi ka hadlay qaar kamid ah qurba joogta ku sugan gudaha Magaalada Buuhoodle kuwaas oo dhamaantood ka dhawaajiyey waxa ay indhahooda kusoo arkeen intii ay ku sugnaayeen gudaha garoonka.

Waxaa ugu dambeyntii iyana soo afmeeray booqashani Garaad C/laahi Garaad Soofe iyo Suldaan Siciid Cismaan Cali, iyagoona halkaasi kasoo jeediyey erayo dar daaran ah.

 

Isku soo wada duuboo booqashadani ay maanta kusoo gaadheen wufuudani ay hogaaminayaan  Garaad C/laahi Garaad Soofe iyo Suldaan Siciid Cismaan Cali ayaa kusoo dhamaatay jawi dagan, iyadoona si weyn ay bulsha weynta ku dhaqan Deegaanka Buuhoodle uga dhur sugayaan waxa ay ka qabtaan dar daaran loo soo jiidiyey kaas oo ku aadan sidii ay ugu qayb qaadan lahaayeen dhamaystirka garoonka diyaaradaha ee Magaalada Buuhoodle.

Xafiiska Shabakada Afbakayle.com

Buuhoodle/Cayn.

afbakaylenews@gmail.com

 

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM