afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
11:44 am | Posted by

Dibad baxyo xoogan oo looga soo horjeedo Dowlada cusub ee soomaaliya oo saaka kadhcay deegaano katirsan G.jubooyinka hoose

Dibed baxyo looga soo horjeedo fara gelin la sheegay in dowlada Somalia ay ku heyso maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka ayaa saaka ka socda degaano ka tirsan gobolka Jubada hoose.

Dibed-baxa ugu weyn ayaa ka dhacay degmada Dhoobley ee gobolka Jubada hoose halkaasoo ay isugu soo baxeen dadweyne boqolaal gaaraya oo ka kala yimid xaafadaha degaankaasi, waxayna wateen boorar ay ku qoran yihiin ereyo kala duwan.

Dadkaas ayaa socod ku soo maray wadooyinka degmada Dhoobley, iyagoo ay ka muuqatay shucuur aad u sareysa kuna qeylinayey ereyo ay ka mid yihiin Jubba land diide dooni meyno, dowlada dhexe dooni meyno, xuquuqdeena diide dooni meyno iyo qaar kale oo badan.

Gudoomiyaha degmada Afmadow ee gobolka Jubada hoose C/xakiin Cumar Xaaji oo khadka telefanka kula hadlay dayniile.com ayaa sheegay in dibad baxyadu ay sidoo kale ka dhacayaan degaano kale oo ka tirsan Jubada hoose oo uu ka xusay Afmadow, Diif, Badhaahe, Kulbiyow, Qooqaani iyo degaano kale.

“Waxaa dibad-baxyadan iskood u soo abaabulay dadka degaanadaas oo ka xun fara gelinta dowladu ay ka heyso maamul u sameynta Jubooyinka, waxay doonayaan in dadka degaanka loo daayo iney maamulkooda sameystaan, dowladana ay ku ekaato iney dhinaca tas’hiilaadka ka caawiso, waxaana dooneynaa in maamulka jubada land uu noqdo sida kuwa Puntland, Galmudug dowladana aan iskugu imaano federaalka” ayuu intaa ku daray Gudoomiyaha degmada Afmadow ee gobolka Jubada hoose C/xakiin Cumar Xaaji.

Dibed-baxyadan ayaa ku soo beegmay xili muran uu ka taagan yahay qaabka maamul loogu sameynayo gobolada Jubooyinka, kaasoo u dhexeeya dhinacyada Soomaalida ah ee wada qabsaday Kismaayo iyagoo gacan helaya ciidamada Kenya ee magaca AMISOM wata, isla markaana dhinaca kale uu sii xumaanayo xiriirka u dhexeeya dowlada Somalia iyo jabhada Raaskambooni.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM