War Deg Deg Mid kamid ah Odayaashii Dhaqanka ee soo Xulay Baarlamanaka Somalia oo Caawa Muqdisho lagu dilay
Waxaa Caawa Kooxo Hubeesan Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir ku dileen mid kamid ah Odayaashii dhaqanka ee soo xulayay Baarlamanaka Soomaaliya iyo waliba ergaydii ansixinta Dastuurka Soomaaliya.
Kooxo Bistoolado ku hubeesan ayaa toogtay Malaaq Isaaq Ibraahim xili uu kusugnaa Xaafada Maajo ee Degmada Waabari halkaas ay Kooxo aan heebtooda la garan oo Bistoolado ku hubeesan ku dileen kadiban goobta ka baxsaday.
Malaaqa ayaa waxaa caawa kooxaha hubeysan ay ku dileen xilli uu horfadhiyay jardiinka guri uu deganaa xildhibaan ay isku heyb yihiin.
Mustafa Muqtaar Guudoow oo kamid ah xildhibaanada Soomaaliyeed oo gurigiisa hortiisa lagu dilay ugaaska ayaa xaqiijiyay in kooxa hubeysan ay rasaas kufureen, kadibna loola cararay isbitaalka Daaru Shifaa oo kudhawaa halka lagu rasaaseeyay meshaas oo uu ugu geeriyooda dhaawicii soo gaaray
Malaaq Isaaq Ibraahim ayaa ahaa Malaaqa Beesha Luway oo ka mid ah beelaha Digil iyo Mirifle waxa uuna kamid ahaa Odayaashii 135-xubnood ka koobnaa ee soo xulay Baarlamaanka Soomaaliya iyo waliba ergaydii Ansixisay Dastuurka Somalia.
Waa Malaaqii ugu horeeyay ee lagu Dilo Magaalada Muqdisho ee kamid ahaa Odayaashii soo xulay Baarlamaanka iyadoona ay jireen Hanjabaadyo badan oo dhoor mar AL-Shabaab hawada u mariyeen Odayasahii soo xulay Baarlamaanka iyo waliba Ergaydii Ansixisay Dastuurka Cusub.