afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
6:08 pm | Posted by

War Naxdinleh:-Lammaane ku dhintay shil gaari oo ka dhacay Nugaal

Saddex qof oo labo ka mid ah ay ahaayeen lammaane xilligaas isa soo mehersaday ayaa ku dhimatay shil gaari oo xalay ka dhacay inta u dhaxaysa magaalooyinka Burtinle iyo Garoowe ee gobolka Nugaal.

Labo qof oo kale ayaa ku dhaawacantay shilka, kuwaasoo dhaawacyadooda hadda lagu daweynayo isbitaalka guud ee magaalada Garoowe.

Haweeney dhallinyaro ah iyo seygeedii cusbaa ayaa ku dhintay shilka, kuwaasoo dhintay wax yar kaddib markii ay isa soo mehersadeen.

Gaariga oo burburay wuxuu noociisa ahaa Toyota Mark II, lamana oga sababta ka dambeysay shilka.

Waddada isku xirtay Burtile iyo Garoowe ayaa ah waddo aad u burbursan, waxaana dhib xooggan ku qaba gaadiidleyda isticmaasha waddadaas.

Waa shilkii saddexaad oo tan iyo toddobaadkii la soo dhaafay ka dhacay waddooyinka gobolka Nugaal, waxaana wadarta tirada dadka ku dhintay ay gaaraysaa shan qof, saddex kalena waa ay ku dhaawacantay.

Shilalkan ayaa dhacaya iyadoo dhowaan wasaaradda howlaha guud ee Puntland ay soo saartay shuruuc la xiriira waddida gaadiidka oo lagu yareynayo shilalka ka dhaca waddooyinka Puntland.

 

Xafiiska Shabakada Afbakayle.com

Garoowe/Nugaal

Afbakaylenews@gmila.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM