C/naasir Seeraar “Waxaaba yaab ah beelo aan waligood arag Jubooyinka oo hadana maamulkeena faraha soo gashanaaya”
C/naasir Seeraar oo ah afhayeenka maamulka KMG ee magaalada Kismaayo ayaa la yaab ku sheegay in shaqsiyaad uu tilmaamay inay kasoo jeedaan beelo aan waligood degin gobalada Jubooyinka oo hadana faraha
kula jira maamul u sameeynta Jubooyinka.
Mr. Seeraar ayaa waxa uu sheegay in dhawaan uu maqlay dad kasoo jeeda gobalo kale hadana ka hadlaaya maamulka Jubooyinka loo sameeynaayo,
waxaana uu sheegay in Jubooyinka oo maamul loo sameeyo ay ka hadli karaan beelaha halkaasi dega.”Waxaaba yaab ah beelo aan waligood arag Jubooyinka oo hadana maamulkeena faraha soo gashanaaya, Jubooyinka waxaa ka hadli kara oo kaliya dadka u dhashay ee waxba ugama banaana inay ka hadlaan dadka aan u dhalan” Seeraar ayaa sidaasi yiri.
Si kastaba ha ahaatee, hadalka C/maasir Seeraar ayaawaxa uu imaanayaa xilli dhawaan la sheegay in maamul la magac baxay Jubaland looga dhawaaqi doono magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose.
Xafiiska Shabakaada Afbakayle.com
Moqdisho/Somalia
Afbakaylenews@gmail.com
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkksax jira oo jooga waligiin