DAAWO:-Qiyaas Xageen Joogaa,, Waa Hadal Laga Hayo Marco Materazzi Oo Isku Soo Sawiray Taaladii Laga Sameeyay Isaga Iyo Zidane
Marco Materazzi ayaa sawir soo dhigay Twitter oo ku leeyahay qiyaas meesha aan joogo oo markii la arkay sawirka iyo meesha uu fadhiyo noqotay Taalo weyn oo mar dhoweyd la dhigay Pomidou Senter oo caasimada faransiiska ee paris ah.

Sawirkani waa mid taalo ah bidixda iyo materazzi oo hoos fadhiya, kan kale ee midig waa kii laga sameeyay taaladan.
Taaladaan ayaa laga sameeyay hertidii uu Zidane dhulka la dhigay Materazzi xilli ay koobka aduunka finalihiisii wada ciyaarayeen faransiiska iyo Talyaaniga oo uu Materazzi ahaa ninkii dhaliyay goolkii barbardhaca ahaa ugu danbeyna Talyaanigu rigoorayaal koobkii ku qaadeen.
Materazzi ayaa hada ciyaaraha ka fariistay sidoo kale Zidane ayaa muddo sii horeysay isna ka fariistay waxa ayna dhowr mar ka hadleen dhacdadaas iyo sababtii dhalisay xanaaqii uu Zidane nafta uga qaadi rabay difaacii talyaaniga Materazzi.