Daawo+Video:-Ciidamo Kenyan ah oo lagu laayay gudaha dalka Kenya “Faah Faahin”
Ku dhawaad 10 kamid ah ciidamada amaanka Kenya ayaa dhintay kuwa kalana dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii kooxo hubaysan ay ku weerareen deegaanka Baragoi ee magaalada Samburu.
Saraakiil katirsan ciidamada Kenya ayaa sheegay in rag hubaysan ay rasaas la dhaceen ciidamadan iyoona halkaas lagu dilay 10 askari kuwa kalana lagu dhaawacay,
Falkan ayaa waxaa uu ka dhacay meel aan waxbadan ujirin deegaan ay ku nafwaayeen 12 ruux weerar lamid ah kan haatan dhacay.
Ciidamo badan oo Kenyan ah ayaa lageeyay halka askartaas lagu dilay, waxaana soconaya howlgalo lagu baadi goobayo kooxdii falkaas ka danbaysay.
Kooxo burcad ah ayaa la rumaysan yahay in ay weerarkaas ka danbeeyeen, waxaana la ogayn sababta askartaas loo dilay, inkastoo ciidamada la sheegay in markii la dilayay ay wadeen xoolo badan.
Halkan Kadaawo Sida Dagaalkaas udhacay
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Nairobi/Kenya
Afbakaylenews@gmail.com
